Faroole Fidnadiisa Ma Ku Fawsi Doonaa, Mise Waa Firiq-firiqdii Ugu Danbaysay?

0

MaqaalTan iyo burburkii dawladii soomaaliyeed xaalado kale duwan oo rajo beeel ah ayuu soo maray dalkeenu, markastoo la damco in wax la abuurana waxaa ugu badnaa oo carqalad noqon jiray dagaaloogayaashii qaasatan kuwii muqdisho oo ayagu markaas haystay magaalo madaxdii qaranka soomaaliyeed, laakiin maanta waxaa muuqata in taas laga gudbay ooy soomaaliya heshay dawlad buuxda oo caalamkana laga aqoonsan yahay iyo umada soomaaliyed oo ku daashay ku dirirka qabyaalada aan nacfiga lahayn iyo aduunyada ood moodid inay hada u soo jeensatay inay wax la qabato umada somaaliyeed si ay dib ugu hantaan qaranimadoodii iyo sharaftoodii dawladnimo.

Balse waxaan mar walba meesha ka marnayn inay jiraan koox danaystayaal ah oo ka jecel magaca dawladnimo inay xaafado maamulaan kana amar qaataan wadamo kale had iyo jeerna aan ilaaq dayn oo la oran karo waxay badaleen dagaaloogayaashii muqdisho rahmada u haysan jiray. oo magaca badashay lana baxay dawlad goboleedyo.

Hadii aan tusaale u soo qaadano waxaa ragaas kow ka ah ninka sheegta inuu madax ka yahay mamulka puntland laakiinse la oran karo mar horuu waqtigiiisu dhamaaday oo meesha xukun marooqsi buu ku joogaa. hadaan dib u eego markuu punatland qabtay iyo maanta farqiga u dhexeeya waa mid aad u weyn puntland oo dhisan oo is ogal buu qabtay hadana waxay u kala jabtay dhawr firqo oo kala ah khatumo, makhir, galbeedka mudug iyo kuwo kale waxaan ognahay in mamulkiisu ku egyahay garowe oo jifadiisu degto.

waa garanaynaanaa wixii ka raacay qardho iyo galkacyo. intaas waxaa u dheer inuu laayay dad badan oo rer puntland ah sida xasuuqii xaafada garsoor ee galkacyo oo dadka degan uu wax kasta ku tilmaamay si mar un cagta loo mariyo lakiin tan ilaahay iyo dhabar adayga dadkaas bay ku badbaadeen waa la garanayaa dagaalkaas wixii hanti iyo dad ku baabay  uuna ku guldaraystay inay u fulaan wuxuu rabay hada waxaa muuquta inuu celiyay markab mucaawino u siday deegaanadaas oo loogu talagay in dadka dhibaataysan.

Wuxuu ka doorbiday inuu yiraahdo aniga la iguma soo aadin malaha wuxuu rabay inuu asagu qaato sida isaga iyo wiilshiisu u qaateen wax alaale wixii hanti ka soo baxda dekada boosaaso oo ah hanti soomaali oo dhan ka dhaxaysa.  xukun ka xun ma jiro in dadka lagala diriro waxyaabaha daruurigaa sida cuntada oo gaajo loo dilo.

Waxaan tarikh ku maqlay in faroole joogi jiray bangigii dhexe ee somaliya uuna lunsaday hanti qaran kadibna shaqadii laga cariyay ooy odayal ugu tageen maxamed siyad allaha u naxariistee in shaqada lagu celiyo maxamed nin dadka aad u yaqaan buu ahaaye wuxuu ku yiri baa layiri imaanlawe faroole adikana wax idin tari mayo qaranka soomaaliyeed wax tari maayo ee iska daaya, ninkii oon maanta cidna ka sarayn oon lala xisabtamay bal ka waran.

Faroole dawladihii ku meelgaarka ahaa farta dheeratay buu noqday markii nin ay isku hayab yihiin laga dhigana aad buu u masquudi jiray oo waa amusi jiray waan dayn jiray wax ka sheega dawlada. tusaale hadaan u soo qaadano farmajo dawladiisii oo ahayd midii soo noolaysay rajadii dawladnimo ka dib markuu la yimid hufnaan, wadanimo, daacadnimo iyo dawlad tiro yar tayo.

badana leh. qasnada dawlada shilin ugumuu iman markuu ka tagayna wuxuu uga tagay ayadoo lacagu ku jirto oo qofkastoo shaqaale dawladeeda uu mushaarkiisa qaatay.

Dawladii saas ahayd waxaa hal mar af labadii yeeray faroole iyo kooxdiisa qabyaalada indholaaantaa ku taagerta, oo marna aan ogalayn in dawladnimo soomaliyeed la helo asagoo cuqdad iyo cadawad ka qaaday dagaaladii sokeeye iyo asagoo xaasidnimo uusan qarsan u qaba siyaasiyiinta iyo dadka ka soo jeeda gobolada galgaduud, jubooyinka (galjubo people) waxaa taas cadayn u ah sidii uuga horyimid farmajo iyo sidii raisulwasraha hada ula dhaqmay markuu garoowe tagay oo uu ninka ku xigeenkiisaa ugu soo diray inuu aiporka ugu tage. xataa ma garanayo sharafta martida gurigaaga kuugu timaada sida loola dhaqmo hadii uusan cudur qabiil qabin maxaa u horeeyay oo la oran karaan waa dhexmareen (horaa loo yir nin cuqdad qaba cadil ma noqdo).

Jubaland dhismaheeda wax lagu midaysan yahay buu u badnaa in gedo iyo jubooyinka ay noqdaan hal mamul goboleed maadama ay dad ahaan iyo deegaan ahaaba waxbadan wadaagaan horaantiina wuxuu ku bilowday in la heshiisiyo sade iyo absame oo xurguf aan badnayn u dhexaysay kadibna loo gudbo somalida kale. shirarkii u horeyayna waxay ka dhaceen doolow,dhoobley iyo nairobi si fiican ayaa la isagu afgartay.

Ayadoo arintu halkas marayso ayaa faroole ku soo darsaday koox uu magac qabiil ula baxay madaxna uu u yahay ninkii umada soomaaliyeeda dhiigeeda ka bayac mushtari jiray xiligii dawaladii abdulahi ahaana taliyihii nssta ee lagu magacaabo darwiish ninkaas oon garanayno dhalinyaradii sade ee uu nairobi ka aruuriyay oo amxaarada u gacan galiyay iyo siduu dadkii muqdisho u iibin jirayba. malintaas ayay weecatay wadadii lagu waday jubland madama laga gaday ahmed madoobe inuu janis haysto oo ka faa,iidaysto ciidanka kenyaankuna ayaga u dhawyihiin saasna ay ku hanan karaan kismayo ninkii kismayo hantana uu noqonayo madaxweynaha jublanad. qorshihii faroole gadaal ka fadhiyay ina sharmake, darwiish iyo gandina fulinayeen wuxuu ahaa in ciidanka sade laga ilaaliyo kismayo ama aad loo yareeyo si aysan awood ugu yeelan kenyankana xiriir ula yeelan. waxaadka daaalacan kartaa wikileaks arintaas “The force in Lower Juba will consist of Darod/Kabalah clan militia but will not
include Darod/Marehan militia from the Gedo region. Gandi aid Marehan involvement in the effort to take Kismayo would be "horrible" and stated firmly "the Marehan can not go to Kismayo." Ogaden militia, in cooperation with Marehan militia leaders, might go to Gedo to assist Marehan militia against al-Shabaab in that region" 
Waa la oran karaa maxaa faroole iyo kooxdiisa qabiilka ku taageerta u door bidayeen in qof absame aha uu madax u noqdo jubaland, sababtu waxaa weeye xisaabta qaldan oo kooxdaasi isku dhufatay ayaa waxay oranaysay siyaasadii soomalidu qabiil bay noqotay (tribal politics) oo wax walba qabiil baa lagu qaybsaday iyo deegaanka aad haysatid hadaba si aadnan u gefin labada jago ee dawlada u saraysa magaca darood aad wax ugu qaadataan hal qolaa tartan idkula jirta dhul ahaan iyo soo jiidashada soomalida kalaba. mar hadii jubaland la dhiso ooy madax ka noqdaan labadaas kursi sidaad ku heshaan mid hada waa ka adkaan doontaa marka waa in labo mid lahelo oo labaduba faa’iido noo ah

1-in jubland absame madax ka yahay la helo maadama aad darood intiisii kale puntland hoos keenteen ood barlamaankooda iyo wasiiradoodaba aad talo ku leedihiin absame deegaan ahaan idkulama tartami karo siyaasad soomali ka dhaxayasa oo adinkay garab idiin noqon.

2- hadii taas la waayo in jubaland dagaal la galiyo si uusan usoo bixin mamul jubaland oo sade iyo absme isugu dhacaan dabadeedna doodu u noqoto cida magca qabiilkiis wax ku hesha aad adinka u noqotaan maxay kula duwan yihiin in ahamed madoobe oo qabridahar ku dhashay faroole dhaho waa madaxweynaha jubland kii ay isku meesha ku dhasheena uu yiraahdo soomali ma aha ee hala saaro (dadka soomaliga ku hadla iyo somlida somaliya degan).

NB: dad bay waxay ku doodaan inuu mamul gobaleed u dirir yahay oo xamar diidan tahay fedalaarka waxaan oran lahaa taasu waa been oo dastuurkaa taa qoraya cid badali kartana ma jirto hadii la badalana cid lagu qasbi karo ma jirto saa dawald awoodaa leh ba jirtee waxaan taas u qiri karnaa markuu madaxda khatumo oo si xor u shiray mamulna u samaystay uu u soo dhaweeyo sida ahmed madoobe oo rog cas u dhigo.

Arintaas danbe ayay hada ula egtahay faroole inay dhacday madama dagaal dhacay marka wuxuu u gudbay inuu yiraahdo dawlada xiriirkaan u jaray oo dastuur baa la badalay aaway xubnihii barlamanka fedalka ugu jiray oo asagu soo xushay xagay jireen markii la badalayay mise si fiican ulama uusan soo dardaarmin. waxaan u malaynayaa in la gaaray xiligii meel la saari lahaa faroole sidii dagaal ogayaashii muqdishoo kale si soomali horu ugu socoto, balse su’aashu waxaa weeye ma reer puntland baan meel saari doona oo faroole puntland iyo soomaaliba ka qaban doona mise soomali baa oran doonta puntlaaney faroole iyo soomali mid doorta. bal aan ogaano qolada libintaas ku hormarta lakiin waxay u egtahay faroole inuu ku jiro firiqfiriqdii u danbaysay.

Abdulqadir A. Shirdon
shirdon86@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com