Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Maxamed Shire Warsame (Dabcasar).

0

tacsi1Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun, Waxaan innagoo ka tiiraanyaysan geerida ku timid marxuum Maxamed Shire Warsame (Dabcasar) u tacsiyaynaynaa dhammaan qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay marxuumka oo lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya 11 Agoosto, 2013. Allaha u naxariistee wuxuu marxuumku ifka uga tagay 9 qof oo uu dhalay iyo dad faro badan oo ay sii dhaleen.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa hooyo Xaliimo Mire Aadan, Faadumo Maxamed Shire, Xaawo Maxamed Shire, Axmed Maxamed Shire, Farxiya Maxamed Shire, Hodan Maxamed Shire, Shugri Maxamed Shire, Mahad Maxamed Shire, Liibaan Maxamed Shire, Khadar Maxamed Shire iyo dhammaan intay sii dhaleen iyo intay isu dhaxeen.

Allaha u naxariisto e marxuum Maxamed Shire Warsame wuxuu muddo dheer u soo shaqeeyay qaranka Soomaaliya isagoo shaqadiisii ugu horreysay ka billaabay in uu hawlwadeen u ahaa xisbigii gobannimo doonka ee SYL. Markii dalka Soomaaliya uu madaxbannaanida helay, wuxuu Maxamed Shire Warsame oo loo yaqaannay Dabcasar ku biiray ciidankii booliiska Soomaaliya oo uu ka gaaray illaa iyo darajada Gaashaanle Sare.

Allaha u naxariistee Maxamed Shire Warsame waxaa lagu xusuustaa deeqsinimo, daacadnimo, hawlkarnimo, waddaninimo iyo in uu ahaa nin Ilaahay ku xiran dadka la noolna ay aad u jecelyihiin. Waxaan marxuumha Ilaahay uga baryaynaa inuu qabriga u iftiimiyo una waasiciyo janno fardowsana geeyo. Afadiisa, awlaaddiisa iyo ehelkiisana waxaan Alle uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

Waxaa Dhambaalkan Tacsida Ah Diraya:

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Cabdinuur Sheekh Maxamed
Maxamuud Maxamed Boono
Sheekh Aaden Sheekh Cabdulle
Jibril Cali Aw Maxamed
Saahid Maxamed Cali
Aamina Aadan Warsame
Gurey Sheekh Axmed Jaamac
Cabdullaahi Xaashi Waranle
Cabdullaahi Cabdi Shirwac
Cabdisamed Maxamed Jaamac
Xuseen Guuleed Shabeel
Axmed Cabdi Kaarshe
Aamina Cumar Cabdi
Bilan Cali Ciise
Aaden Ibraahim Aw Xirsi
Aadan Diiriye Shirwac
Fowsiya Faarax Garaad
Canab Cabdi Warsame
Suldaan Cali Guuleed
Gurey Sheekh Axmed Jaamac
Cabdi Aaden Geesey
Sharmaarke Caabbi
Abuukar Yaxye Saney
Aadan Kullane Xaashi
Cabdirashiid Sheekh Cali Axmed

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com