Caabudwaaq(AGGM) Degmadda Balanbale ee gobolka Galgaduud waxaa maanta ka dhacday tacshiirad xoogan oo uu nin hubeysani ku furey Maqaaxi dad dhalinyarro ahi ku sugnayeen oo ku taala bartamaha degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud,waxaana la sheegay in rasaastaasi ay sababtey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Rasaastan ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday hal ruux oo ka mid ahaa dhalinyaradii halkaasi ku sugnaa,waxaana dhaawac daran soo gaaray hal ruux oo kale,waxaana la aaminsan yahay in ninka dilkaasi geystey uu Aano qabiil u dilay dadkaasi,waxaana la sheegayaa inuu ninka falka geystey uu ka baxsaday halkaasi.
Gacan ku dhiiglahan ayaa la sheegayaa inuu ka baxsaday halkaasi,waxaana wararku sheegayaan in ninkan gacan ku dhiiglaha Walaalkiis hore loo dilay isla markaasna uu maanta rasaastan ku furay dhalinyarro la aamisan yahay inay isku beel yihiin kuwii walaalkiis dilay.
Ugu dambeyntii waxgaradka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa la sheegaya inay ku hawlan yihiin wax ka qabashada dilkaasi,waxaana wali lagu raad jooga ninkii dilkaasi ka dambeeyey oo la sheegay in hadda lagu dabo jiro meesha uu baxsaday,waxaana ciidamada amaanku ku hawlan yihiin soo qabashada ninkaasi.
[ca_audio url=”http://www.simbanews.com/wp-content/uploads/2013/08/War-Shuceyb-Dableeyda-Balanbale.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com