Dhageyso: Falaagada Alshabaab Oo Shacabka Digniin U Jeedisay

0

Abuu-MuscabMuqdisho(AGGM) Falaagada Alshabaab ee qaraxyada iyo weerarada la beegsada Xarumaha dawlada iyo xarumaha Amisom ayaa digniinu culus u jeediyey shacabka Magaalada Muqdisho,waxaana ay ugu baaqeen inaysan shacabku ka agdhawaan meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada Amisom iyo xarumaha dawladu leedahay.

Afhayeenka kooxda manaxayaasha ah ee Alshabaab Abu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay doonayaan inay weeraro kale oo culus ku qaadan farisimaha ciidamada Amisom iyo dawlada federaalka ah,isla markaasna aysan shacabku meelahaas ka agdhawaan,waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay taxadar inay shacabka meelahaas ka muujiyaan.

Hadalkan Alshabaab waxaa uu imaanayaa xilli ay dhawaan Magaalada Muqdisho ku dileen dad badan oo shacab ah kuwaasi oo badankoodu ka agdhawaa xarumaha dawlada iyo kuwa Amisom ee magaalada Muqdisho,waxaana weerar  kasta oo alshabaab qaadaan dhibaatada ugu badan  uga timaadaa dadka shacabka ah.

Ugu dambeyntii hadalkan Alshabab ka soo yeerey ayaa walaac ku abuuray dadka shacabka ah iyagoo ka cabsi qaba inay weerarada Alshabaab ay ku qaadayaan fariisimaha ciidamada dawlada iyo Amisom ay dhibaatada ugu badani ka soo gaarto dadka shacabka ah ee meelahaas ka agdhaw.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-AFHAYEENKA-SHABAAB-ABUU-MUSCAB.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com