Muqdisho(AGGM) Odayaasha iyo waxgaradka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya qeybo ka tirsan gobolkaasi ayadoo dhanka kalena ay odayaasha iyo waxgaradka ku booriyeen maamullada iney ka qeybqaataan sidii colaadahaasi loo soo afjari lahaa.
Baaqan nabadeed ayaa odayaasha iyo waxgaradka degmada Hobyo u jeediyeen Beelo ku dagaalaya deegaannada Bacaadweyne iyo Camaara kuwaas oo colaadoodu soo jiitameysay muddo ka badan Afar sanadood, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan.
Maamulka, waxgaradka iyo odayaasha degmada Hobyo ayaa ka dalbaday labada dhinac iney joojiyaan colaada iyo dilalka aan hakadka laheyn ee ka dhacaya deegaannadaasi.
‘’Waxaan ku baaqayaa in laga wada shaqeeyo joojinta cooladda dadka walaalaha ah ku dhexmareysa deegaanada Bacaadweyn iyo Camaara, mana garanayo sababta ay uga aamusanyihiin golaha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdisho sidoo kale dowlada Federaalka maamullada Ximan iyo Xeeb, Galmudug iyo cidkastoo damiir leh waxaan ka codsanayaa in ay ka qeybqaadato deminta colaadaasi’’ Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha degmada Hobyo Xuseen Salaad wehliye oo la hadlay saxafadda.
Ugu damebyntii baaqan nabadeed ee ka soo yeeray maamulka degmada Hobyo ayaa yimid xilli wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada Hobyo ay shalay gaareen deegaanka Bacaadweyn, kaas oo ujeedadeedu aheyd sidii loo hakin lahaa colaadaha dhiigga badani ku daatay ee ka oogan deegaannadaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com