Xildhibaano Haween Ah Oo U Ambabaxay Siminaar Ka Dhacaya Nairobi

0

DSC04505Muqdisho(AGGM) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar  wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi, halkaasi oo ay kaga qeyb gali doonaan tababar loo qabanayo haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galaya 30 ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan xildhibaanada haweenka ah, iyadoo uu furi doono tababarkaasi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana uu socon doonaa muddo 7 cisho ah.

Xildhibaanadaasi ayaa tababarka ku qaadan doona cashara la xiriira sida ay u shaqeeyaan Baarlamaanada Caalamka iyo sidii xiriir wada shaqeyneyd uu ula yeelan lahaa Baarlamaanka Soomaaliya Baarlamaanada kale ee aduunka ka jira.

Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta warfidiyeenada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in tababarkani uu yahay mid sare loogu qaadayo xiriirka Baarlamaanka kala dhexeeya kuwa aduunka, waxaana uu xusay waxyaabaha ay ka soo faa’idaan tababarkaasi inay dib ugula soo noqonayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku jira 39 xildhibaan oo haween ah, iyadoo 30 ka mid ah xildhibaanadaasi maanta ay u ambabaxeen magaalada Nairobi oo ay kaga qeyb galayaan siminaar ay qabaneyso Hey’adda NDI, waxaana  haweenka Soomaaliyeed qaarkood oo sheegan jiray in sad bursi lagu sameeyo, hadda ay yihiin kuwa aad u soo dhaweynaya talaabooyinkani lagu dhiira gilinayo haweenka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com