War Deg Deg Ah: Qarax Ciidamada Amisom Hadda Lagula Eegtey Degmada Afgooye

0

deg-deg-muhiim19Muqdisho(AGGM) Wararka Warbaahinta Allgalgaduud hadda ka helayso Magaalada Afgooye ayaa shaacinay inuu halkaasi ka dhacay qarax miino oo xoogan kaasi oo lagu weeraray ciidamada Nabad ilaalinta u jooga ee Amisom,waxaana la sheegaya inuu qaraxaasi ahaa nooca dhulka la geliyo.

Qaraxana ayaa la xaqiijiyey in lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan Amisom oo dhexmareyay gudaha degmada Afgooye,waxaana la sheegayaa in gaari ka mid ah kuwa Amisom uu qaraxaasi haleelay inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi,waxaana la aaminsan yahay in dad shacab ah waxyeelo ka soo gaartey.

Qaraxan ayaa la sheegaya inuu yahay mid aad u xoogan isla markaasna ahaa nooca meeelaha fog fog laha hago,waxaana qaraxaasi ahaa miinada lagu lagu duugo, ciidamada Amisom ee qaraxa lala beegsaday ayaa la shaaciyey inay rasaas fureen taasi oo laga cabsi qabo inay dad shacab ah oo aan waxba galabsan khasaare ka soo gaaro.

Ugu dambeyntii qaraxan ayaa la sheegayaa inuu qayb ka yahay weerarada Alshabaab ku qaadaan farisimaha ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom,waxaana qaraxan imaanayaa xilli Alshabaab kordhiyeen weerarada ay la beegsanayaa ciidamada dawladda iyo kuwa Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com