Shabaab Oo Dhacay Gargaar Loogu Tallo Dad Dhibaateysan

0

252_largeMuqdisho(AGGM) Dowlada Ingariiska ay sheegatay in malleeshiyaadk Al shabaab ay dhaceen raashiin gargaar ah oo loogu talagay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan kaaso ay gacanta  ku hayeen hey’ado gargaar oo maxalli ah.

War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda horumarinta caalamiga ah ee dowlada Britain ayaa lagu sheegey  in kooxda Shabaab ay boob u geysteen qalab iyo  raashin gargaar ah oo dowlada Ingiriisku ugu talagashay dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

Wakaalada waraarka Faransiiska AFP iyo wargaysaka Sunday Telegraaf ee ka soo baxa dalka Ingiriiska  ayaa sheegey in lacagaha ay ku kacayaan saadkan ay gaarayso ilaa 7 boqol oo kun oo Doolarka Mareykanka ah,  taasi oo ay xuseen in ay kordhinayso walaaca Britain ee ku aadan maareynta gargaarka dibadaha ay geynayso.

Hay’ada dhinaca gargaarka u qaabilsan dowlada Ingiriska ee DFID ayaa daboolka ka qaadday in boobkani uu dhacay intii u dhexeysay 2011-2012 ayadoo sida ku xusan warbixinta qalabka iyo saadkaasi lagala baxay baqaarro ay ku keeydsanaayeen oo ay gacanta ku hayeen ururo ay dowlada Ingiriiska mashruuc ahaan u gu dhiibta mana awoodin ururadaasi in agabka  gargaarka ah ay dib u soo celiyaan.

Gen.  Howarth oo ah sharci yaqaan ka mid ah xisbiga R/wasaare Devid Camiron  ayaa shegey in arimahani ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo qaabka loo maareyn jiray mucaawinada gargaarka ah oo ay dhiibtay Britain xiligaasi ka hor.

Sharciyaqaanka  ayaa u sheegey Jariirada lagu magacaabo Sunday Telegaraf in  lacagahaasi oo laga soo uruuriye canshuur bixiyayaasha Britain ay u gacan galaan kooxaha argagixisada Shabaab

Afhayeen u hadlay hay’ada gargaarka ee Britain ayaa sheegey in dhibaatooyinkaasi ay ka dhacaan dhamaan dalaalka xasaraduhu ay ka jiraan balse aanay ku koobneeyn Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com