Kismaayo(AGGM) Maanta waxaa maalintii ugu dambeysay ee kooxdii Shimbirayahaw heesa ay Jabhadda Raaskambooni u qabteen inay soo dhisaan Horjoogayaal waji cusub leh kuwaasi oo lagu maamusi doono ( Golle Wasiiro) Maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Bisha 8-aad waa maalintii ugu dambeysay ee ay waqti u haystaan arrimahaasi.
Maanta sida lagu wada ama la aamisan yahay ma dhici doonto in Horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni ay ku dhawaqaan COOMADAYAAL kale oo jahli iyo dhib u horseeda shacabka gobolladda Jubooyinka, Balse hadii ay dhacdo waxaa xaqiiq ah in dawlada Kiiniya ay shabaagteeda ka daad gureysan doonto Kismaayo,taasi oo sababteedu tahay haddi horjoogaha Jabhadda Raaskambooni uu diido tallada dawlada Kiiniya .
Hadda Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxa kulamo xasaasi ahi uga socdaan Wefti ka kala socda Wadamada IGAD gaar ahaan itoobiya iyo Kiiniya,kuwaasi oo Axmed Madoobe uga digaya inuu ku dhawaaqo wax lagu tilmaamo Golle Wasiiro ama COOMAADAYAAL, Waxaana lagu wargeliyey inuusan ku dhawaaqi karin.
Dawladda Kiiniya si cad bay ugu sheegtey Axmed Madoobe inuu u hogaansamo sharuucda Shirkii kampala ku soo dhamaday isla markaasna la yimaado waji kale oo siyaasadeysan kuna aadan sidii uu dawlada Soomaaliya u soo jiidan lahaa,waxaana Kiiniya ku buurineysaa inuu Axmed Madoobe u hogaansamo dawladda kana tanasulo inuu maanta ku dhawaaqo golle wasiiro ama COOMADAYAAL cusub oo dhib hor leh keeni kara.
Kiiniya Waxay sheegtey in hadii uu dhawaaqo Axmed Madoobe talaabadaasi ay iskaga dhex bixin doonaan isaga iyo dawlada federaalka ah isla markaasan la arki doono meesha arrintu ka dhacdo,waxaana sidoo kale dawlada itoobiya Axmed Madoobe ugu baaqday inuu ka fiirsado talabaada maanta la gudboon.
Ugu dambeyntii Hadii uu maanta ku dhawaaqo talabadaas Axmed Madoobe waxaa uu soo istaagi doonaan banaan isla markaasna waxaa cadaan ah inuusan Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan degaanada Gobolkada Jubooyinka uusan sii joogi doonin iyadoo hadda ay duleedka Magaalada Ku sugan yihin ciidamo badan oo dawlada soomaliya leedahay isla markaasna isha ku haya wax ka socda Kismayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com