Maamulka Bare Hiiraale '' Raaskambooni Awood Uma Leh Inay Banaanka Uga Soo Baxaan Kismaayo Kaliigood ''

0

barre-hiiraale21Kismaayo(AGGM) Saraakisha hogaamisa Ciidamada Maamulka Col Bare Aadan Shire ” Hiiraale ” ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalka soo yeeray qaar ka mid ah Horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni oo hore u iclaamiyey dagaal ay ku qaadayaan farisimaha ciidamada Mamulka Bare ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Bare hiiraale ayaa shaaciyey inaysan awood u lahayn inay Jabhadda Raaskambooni banaanka uga soo baxaan Magaalada Kismaayo isla markaasna aysan awood u lahayn ay ku weeraraan ciidamadooda ku sugan duleedka Kismaayo,waxaana uu sheegay inay jawaab culus la kulmi doonan hadii ay banaanka kismaayo u soo baxaan.

Sarkaalkan waxaa uu sheegay inaysan Jabhadda Raaskambooni aysan awood iyo kalsooni u lahayn inay ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan hareeraha Magaalada Kismaayo weerar ku soo qaadaan,waxaana uu sheegay inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo daran oo sababta inay kismaayo gacantooda ka baxdo.

Sidoo kale Sarkaalka waxaa uu sheegay in ciidamada dawladu ay ku jiraa Heegan buuxa isla markaasna indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay wadaan Jabhadda Raaskambooni,waxaana uu sheegay in la gaaray xilligii ciidamada dawladu u ruqaansan lahayeen dhinaca kismayo. Waxaana uu sheegay inay ka awood badan yihiin hadii Jabhadda Raskambooni hadii aysan dagaalka ku gacan siin ciidamada dawlada kiiniya oo ku adeegta jabhadda Raaskambooni.

Ugu dambeyntii waxaa uu sarkaalkani shaaciyey in waqtigani yahay waqtii dawlada federaalka ah ee Soomaaliya si xoog ah Magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda uga saari lahayeen Jabhadda Raaskambooni,waxaana uu sheegay in ciidamada dawladu hadda diyaar u yihiin inay hantaan gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com