Kismaayo(AGGM) Jeneraal Gabre oo ka mid ah Xubnaha IGAD ee maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inuu si gaar ah Bartilmaameed uga dhigtey Horjooge Axmed Madoobe iyo Joogitaanka Ciidamada Raaskambooni ee Gobolka jubadda Hoose,waxaana la sheegay inuu Jeneraal Gabre Su,aalo aad loola yaabay Axmed Madoobe waydiyey oo ku aadan xiriirka ka dhexeya ONLF iyo Jabhadiisa.
Jeneraal Gabre oo ah masuulka hogaminayey Weftiga ka socda IGAD ee kala socday Wadamada Kiiniya Iyo Itoobiya ayaa la sheegay inuu Axmed Madoobe si bareer ah u waydiyey Waxay ay yihiin Gollaha Wasiiradda uu ku dhawaaqayo,waxaana uu raaciyey Yaa Ku Raacsan oo golaha Wasiiradda ugu dhawaaqi ?
Sidoo kale Jeneraal Gabre ayaa si cad ugu sheegay in Jabhadiisa Raaskambooni ay ka buuxaan dad badan oo dhibaato ka soo geystey gudaha Itoobiya gaar ahaan dhinaca degaanka Soomaalida,waxaana uu si cad ugu sheegay in Axmed Madoobe looga fadhiyo inuu dawlada itoobiay u soo gacan galiyo kooxaha tirsan Jabhadda ONLF ee ciidamada ka dhinac dagaalama isla markaas qaarkood yihiin hogaamiyeyaal sar sare.
Sidoo kale Jeneraal Gabre waxaa uu daboolka ka qaaday in aan loo baahneyn in Gobollada Jubooyinka looga dhawaaqo Maamul aan u hogaansameyn dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana uu si cad ugu sheegay inuu Axmed Madoobe u hogaansamo dawladda Soomaaliya hadii kale uu cadeysto Mawqifkiisa Jabhadeeda.
Dhinaca kale Jeneraal Gabre ayaa si toos ah ugu sheegay Axmed Madoobe inaan la aamini karin isla markaasna uusan masuul ka noqon karin shacab,waxaana uu ku eedeyey inuu xiriir dhaw la leeyahay Jabhadda ONLF iyo Shabaab oo uu hore uga tirsanaan jiray,waxaana uu sheegay in Axmed Madoobe tallada Jubooyinka uu gacan geliyo dawlada federaalka ah.
Jeneraal Gabre waxaa uu sheegay in dawlada la aqoonsan yahay hadda ka jirto dalka Soomaaliya isla markaasna looga fadhiyo in dawladaas lala sheegayo si loo wiiqo awoodda Alshabaab,waxaana uu sheegay in looga baahan yahay Horjooge Axmed Madoobe inuu iska xaadiriyo Magaalada Muqdisho isla markaasna dawladda Soomaaliyeed hoos fariisto sida ugu dhaqsaha badan.
Ugu dambeyntii Jeneraal Gabre ayaa la sheegay inuu si gaar ah Axmed Madoobe ula hadlay isla markaasna kala hadlay arrimo badan oo ku aadan kooxda ONLF oo la sheegay in hadda lagu tababaro Jasiiradaha Buurgaabo iyo Jasiiradda Raaskambooni halkaasi oo ay tababaro ku siiyan saraakiil ka tirsan Alshabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com