Jabuuti Oo Lagu Amaanay Horumarka Ay Ka Wado Gobolka Hiiraan

0

jabuuutCaabudwaaq(AGGM) Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dowlada Jabuuti ku amaanay mashaariicda Horumarineed oo ay ka waddo gobolkaasi kadib markii ay gobolka Hiiraan ka bilaabeen dhib u dhis ballaaran.

Tan iyo markii ay gobolka Hiiraan soo gaareen ciidamada walaalaha Jabuuti ee ku howlgalaya magaca Amisom ayaa waxa ay bilaabeen ciidamadaasi dib u dhis balaaran oo ay ka bilaabeen xeryooyinka ciidamada qlabka sida ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Ciidamadan ayaa sidoo kale bilaabay dib usoo celinta adeegyadii kala duwanaa ee bulshada sida Sportiga iyo iney dhalinyaradu ka qeybqaataan horumarka dalkooda, iyagoo dib u dayactir ku sameeyay garoomadii isbortiga.

Guddoomiyaha  maamulka Gobolka Hiiraan oo shir Jaraa’id qabtay ayaa si weyn usoo dhaweeyay horumarka dowlada Jabuuti ay ka waddo gobolka Hiiraan,  wuxuuna arintaasi ugu hambalyeeyay shacabka iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo dhinaca kalena shacabka reer Hiiraan ugu baaqay iney ka faa’iideystaan horumarka dowlada Jabuuti ay ka waddo gobolka.

‘’Waxaan mahad ballaran halkan uga jeedineynaa shacabka walaalaha Jabuuti iyo madaxweynahooda Ismaaciil Cumar Geelle  oo mar kasta hiil iyo hooba la garab taagan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hiiraan,  hadey noqon laheyd arimaha bulshada,  Sportiga iyo caafimaadka hadey noqon laheyd amniga iyo taakuleynta ciidamada’’ Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha gobolkaasi Cabdi Faarax Laqanyo.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii wasiirka Gaashaandhiga ee Jabuuti uu hub iyo gaadiid ku wareejiyay ciidamo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray gobolka Hiiraan kuwaas oo iminka si isku filan uga howlgeli kara gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com