Kismaayo(AGGM) Jabhadda Raaskambooni ee laga soo waariday degaanadda wali ku jira gacanta gumeystaha ee kilinka 5-aad iyo Gaarisa gubaay ayaa wali sii wada dhaqan xumadda iyo dhaca ay ku hayan shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo,waxaana xalay ay dhac aad u baahsan ka geysteen inta badan xaafadaha degmada Kismaayo.
Xaafadaha sida gaarka ah ay Jabhadda Raaskambooni dhaca iyo boobka uga geysteen waxaa ka mid ah xaafadaha Dalcada,Via Afmadow,Guulwade & Farjano,waxaana la sheegay in dukaano yar yar oo dad shacab ahi lahayeen ay ka qaateen dhamaan wixii lacag iyo agab u yaalay.
Maalmihi la soo dhaafay dhaca iyo boobka ciidamada Jabhadda Raaskambooni ka wadaan ayaa la sheegay inuu yaraa balse xalay ayey dib u bilaabeen isla markaasna bartilmaameed ka dhigteen dukaamadda yar yar ee ku yaala xaafadaha qaarkood,waxaana dhibaatadaasi soo food saartey ganacsatada yar yar ee ku dhaqan degmada Kismaayo.
Maalinimadii shalay ayay ahayd markii mid ka mid ah horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni uu idaacadaha la hadlay isla markaasna shaaciyey in amaanka magaalada Kismaayo yahay mid sugan isla markaasna ciidamadkii Jabhadda raaskambooni banaanka Magaalada Kismaayo looga wada saaray balse ciidamada Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegay inay arrintaasi ficil ahaan kaga jawaabeen.
Ugu dambeyntii Jabhaddan laga soo daabulay degaanada Gaarisa Guubaay iyo kilinka 5-aad ayaa la xaqiijinayaa inay wadaan xaalufin ay u geysanayaan ganacsatada yar yar ee xaafadaha dhexdooda ku haysta dukaamadda yar yar,waxaana talaabadan ku soo beegmayaa xilli ay Magaalada ka barakiciyeen ganacsatadii waa weyn ee Magaalada kismaayo kuwaasi oo iridaha u laabay dukaamadii ay ku lahayeen suuqa weyn ee kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com