Wasiir Fiqi Oo Soo Afjaray Booqashadiisii Uu Ku Joogay Baladweyne

0

FiqiMuqdisho(AGGM) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa saaka soo gabagabeyay socdaal shaqo oo uu ku tagay magaalada B/weyne ee Gobalka Hiraan,  isagoo halkaasi kulamo kula yeeshay mas’uuliyiinta gobalkaasi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Jabuuti.

Mudane C/xakiin Xaali Fiqi wasiirka warfaafinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo gebagebeeyay kadib markii uu shalay Beledweyne kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Jabuuti Xasan Dharaar oo shalay booqday Beledweyn.

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa shalay booqday Ciidamo tababar loogu soo gebagebeeyay Beledweyne,  iyadoo halkaasi looqu qeybiyay hub iyo qalab ciidan.

C/xakiin Fiqi wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo la hadlay ciidamadaasi tababarka loo soo xiray ayaa tilmaamay in dowladdu bixineyso xuquuqda ciidamada iyo mushaaroodkooda,  isagoo u rajjeeyay in ay howlahooda u gutaan si hufan oo wadaniyad leh.

Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta maamulka G/Hiiraan iyo iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa saaka garoonka diyaaradaha Beledweyn ka sagootiyay wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdiga uu hogaaminayay oo u soo ambabaxay magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com