Mareykanka Oo Sheegay In Safaaradihiisa Uu Dhawaan Xiray Dib U Furmayaan Maalinimadda Beri Ah.

0

1306825229american-embassyLodon(AGGM) Xukumadda wadanka Mareykanka ayaa sheegtay in 18 safaaradood oo dhawaan la xiray hanjabaad lala kulmay darteed in dib loo furi doono maalinta berito ah.Waxaana dawladu shaacisay inay wali indhaha ku hayso arrimaha ay maleegayaan kooxda Alqaacidda isla markaasna ka feejigan tahay.

Waaxda arimaha dibada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in safaarada Mareykanka ee magaalada Sanca ee dalka Yemen ay sii xernaan doono ilaa amar dambe. Waxaana wasaaradu shaacisay in dhawaan iyadana dib loogu furi doono si ay u sii wado hawlaheeda shaqo.

“Waxaan sii wadi doonaa qiimeynta hanjabaadaha magaalooyinka Sanca iyo Lahore, si aan go’aan cad uga qaadano kaasi oo ku aadan dib u furida labadaasi safaaradood”sidaasi waxaa tiri Jen Psaki afhayeenada waaxda arimaha dibada ee dalka Mareykanka.

Warka kasoo baxay Mareykanka  ayaa lagu sheegay in safaarada Sanca ay sii xernaan doono sabab la xiriirta saameyn ka dhalan karta hanjabaado lagala kulmay Alqaacida Maqrib, waxaana badankood shaqaalaha safaarada mareykanka ee magaalada Sanca lagu amray maalintii tallaadad inay isaga baxaan dalkaasi Yemen.

Ugu dambeyntii Mareykanka ayaa xeray 19 safaaradood oo uu ku lahaa bariga dhexe iyo qaarada Africa maalintii Axada ee todobaadkii hore, iyaga oo ka jawaabaya waxay ugu yeereen weeraro argagixiso.Qunsuliyadii Mareykanka ee magaalada Lahore, oo la xeray kadib hanjabaado weeraro kala duwan ah ayaanan wali la furin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com