War Deg Deg Ah: Garoonka Aadan Cade Oo Holcaya

0

deg-deg-muhiim19Muqdisho(AGGM) Wararka aan ka helayno Gagida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in diyaarad ku suagn Gudaha Garoonka uu Dab qabsday iyada oo warar kala duwana ay ka soo baxayaan.

Dad ku sugan Gudaha Garoonka ayaa Allgalgaduud u xaqiijiyay in Dab uu qabsaday mid ka mida diyaaradaha fadhiyay garoonka, iyada oo la isku khilaafsan yahay nuuca diyaaradaasi iyo cida iska lahayd.

Wararka ayaa sheegay in Diyarada Gubanaysa y tahay diyaarad milatari oo ay leeyahiin Ciidanka Midowga afrika sidayna saanad milatari, halka warar kalana ay sheegayaan in Diyaarada gubanaysa ay tahay diyaara Rakaab ah.

Lama oga ilaa iyo hada Qasaaraa ka dhasahay Dabkaasi inta uu gaarsiisan yahay, mana jirto masuuliyiin ka hadashay ilaa iyo hada

Gaadiidka Da damiska Gobolka Banaadir ayaa ku howlan Damin Dabkaasi iyaga oo xakamaynaya si uusan ugu gudbin qeybaha kale ee Garoonka, waxaan la adkeeyaya amaanka Garoonka iyo qeybaha ka ag dhaw.

Wararka Ka Soo Kordha Warkaasi Kala Soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com