War Deg Deg Ah: Dad Ku Geeriyooday Diyaarada Ku Gubenaysa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0

deg-deg-muhiim19Muqdisho(AGGM) Inta la xaqiijiyaya waxaa ku geeriyootay 6 ruux oo ahaa beyloodyadii Waday diyaaradaas, Dabku ku qabsaday garoonka Diyaaraha caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho taasi oo laga leeyahay Dalka wadamada deriska la ah Soomaaliya .

Diyaarada Gubatay ayaa la sheegay in ay ka baxaday Wadada run wayga ee Diyaaradahu ku soo dagaan ama ka duulaan, taasi oo Dab Qabsaday waxaan la sheegay in ay ahayd Diyaarad rakaab hase ahaatee Markaan Waday Hub iyo Saanad Milatarai oo ay leeyahiin Ciidanka Amisom ee ku sugan Dalka.

Wariye ka tirsan Warbaahinta Allgalgaduud oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade international ayaa soo sheegay in Qaraxyo laga Maqlayo Gudaha garoonka Diyaaradaha, gabi ahaanba Diyaaradana ay Dab beeshay, Qaraxyada la maqlayo ay la rumeysan yahay in hubka diyaarada Saaran uu yahay.

Diyarada Gubataya ayaa waxaa iska leh oo astaanteeda ka muuqataa Shirkada Ethopian Air weys, Lix Ruux ee Geeriyootay ayaa ka ahaa shaqaalaha Diyaaradaasi.Gudaha garoon ayaa amaanka aad loo adkeeyaya iyada oo Dhamaan la mamnuucay in gudaha loogalo saxaafada ay banaanka ka joogaan.

Ugu dambeyntii waxaa taliska Amisom iyo dawlada Soomaaliya ku Mashquulsan yihiin sidii loo damin lahaa diyaaradaasi oo la sheegayo inay ka dhasheen khasaare kala duwan oo soo gaarey dadkii diyaaradaaasi sarnaa,waxaana dhaaman shaqaalaha garoonka looga saaray banaanka.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com