Jabuuti: Ciidamada Xoogga Dalka Ee Gobolka Hiiraan Waanu Qalabaynaynaa

0

jabuuti Muqdisho(AGGM) Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta ku dhawaaqday in ay qalabeyn doonto ciidamada xooga dalka soomaaliya ee ku sugan gobolka hiiraan.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Jabuuti Xasan baraar Hufane oo maanta booqasho ku gaaray magaalada Baladweyne ayaa booqday xerada Lamagalaay oo ciidamada Jabuuti ay tababar dhawaan ugu soo gabagabeeyeen ilaa kun askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlay ciidamadaasi ayaa sheegay in dowlada jabuuti ay hub,dareyska Ciidamada iyo ilaa 10 gaari oo kuwa dagaalka ah ay siin doonto ciidamadaasi,waxaana dawlada jabuuti ku amaantey ciidamada xooga dalka inay yihiin ciidamo geesiyaal ah isla markaasna u baahan in la qalabeeyo.

Magaalada baladweyne waxaa ku sugan wasiirka gaashaandhiga xukuumada soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi waxana uu wasiirka gaashaandhiga Jabuuti ku wehliyay kormeerka uu ku tegay xeryaha ciidamada.

Dowlada Jabuuti ayaa waxaa gobolka hiiraan ka joogo ciidamo qeyb ka galka nabad ilaalinta ee midowga afrika ee Amisom,waxaana dawlada Jabuuti ciidamadeeda oo ay is kaashanayaan kuwa Xooga dalka Soomaaliya dagaalo culus kula galeen ciidamada Xarakada Alshabab ee ka dagaalama gobolkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com