Dawladda oo Magacawday Guddi soo Baara Shilkii Diyaaradeed ee ka Dhacay Garoonka Muqdisho

0

ridwaan-150x150Muqdisho(AGGM) Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle, Muqdisho ay ku gubatay diyaarad xamuul ah. Ilaa iyo hadda xogta hor-u-dhaca ahi waxay tilmaamaysaa in dhacdadani tahay shil cilad farsame awgeed (technical fault).

Haddaba, si faahfaahin buuxda oo sugan loo helo waxaa DFS magacawday guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka kooban xubnaha hoos ku xusan:

(1) Cabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka – Guddoomiye
(2) Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaada Rayidka & S.H – Xubin
(3) Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed – Xubin
(4) Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka – Xubin
(5) Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – Xubin
(6) AMISOM, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)
(7) SKA, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)

Dawladda federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay khasaaraha dhacay waxayna tacsi u direysaa dhamaan intii ku wax yeelowday. Si loo helo xogta dhabtaa ee la xariirta shilkaan waxaa lagu adkaynayaa xubnaha guddigu inay si dhaqsa ah u hawl-galaan soona gudbiyaan warbixin buuxda sida ugu dhaqsaha badan.

—DHAMAAD—-

Ridwaan Haji Abdiwali
Government Spokesman

Mogadishu, Somalia

+252 (0) 616 969 105
Email: Media@opm.gov.so