Wasiir Cabdixakiim Fiqi Oo Gaaray Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan

0

FiqiMuqdisho(AGGM) Wasiirka Gaashaandhiga iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor dhaw gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi kulamo kula qaadanaya maamulka Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Wasiirka gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxaa ka mid ah Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq, waxaana kulanka ay maamulka la qaadanayaan ay tahay sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen xaaladda guud ee gobolka, iyagoo inta ay ku suganyihiin la kulmi doono saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom, gaar ahaan ciidamada Jabuuti.

Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeedada socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay shacabka reer baladweyne ula qaybsan lahaayeen xuska munaasabadda ciidul fitriga.

Wasiirka difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa socdaalka uu ku tegay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxa ay horudhac u tahay sidii uu halkaasi kula kulmi lahaa dhiggiisa Dalka Jabuuti oo la filayo in maalinta berito ah uu soo gaaro magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com