Somaliland: Munaasibadda Ciidul Fidriga Oo Si Weyn Looga Oogay Dalka Oo Dhan

0

sl flagMuqdisho(AGGM) Waxa saaka si weyn looga oogay goboladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda iyo dabaal-degga ciidul fidriga. Waxaanay dadweynuhu salaadii ciida ku tukadeen masaajidada iyo Garoomadda waaweyn ee magaalooyinka dalka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka kumanaan qof kala qeyb galay salaada ciidul fidriga Garoonka kubadda cagta ee xaafadda xawaadle ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo salaadii ciidul fidriga ka dib khudbad u jeediyay dadweynaha ayaa sheegay inuu dhambaal hambalyo ah u dirayo shacbiga Somaliland oo uu tilmaamay inuu ciidan ciideeda uu u rajaynayo inay ku gaadhaan nabad-gelyo iyo horumar.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u soo jeediyay shacbiga Somaliland inay ku dedaalaan isku duubnidooda iyo wada jirkooda isla markaana ay meel uga soo wada jeedaan wixii hadimo ku noqon kara horumarka iyo qarranimadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay halgan ugu jirto sidii ay maalin uun uga mid noqon lahayd qarrammadda madaxa banaan ee adduunka, waxaanu xusay inay hayaan juhdigii ay u marayeen aqoonsiga.

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna kumaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qeyb galay salaadii ciidul fidriga Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay inuu ummadda reer Somaliland meel ay joogaanba ku bogaadiyay munaasibadda ciidul fidriga, waxaanu u soo jeediyay dadweynaha inay ka shaqeeyaan oo xoojiyaan midnimadooda iyo wada jirkooda.

Geesta kalena waxa magaaladda Hargeysa saaka looga ciiday si balaadhan iyadoo ay magaaladda qarqiyeen dadweyne iskugu jiray caruur, dhalinyaro iyo waayeelba, waxa kale oo samxad weyn laga dareemayay waddooyinka waaweyn iyo hudheeladda laga cunteeyo,iyadoo dadweynuhu ay iskugu hambalyeynayeen munaasibadda ciida.

Farxadda Munaasibadda Ciida waxa si gaar ah looga sii dareemayaa Caruurta iyo ciidamadda qaranka oo maanta ku ciiday darajooyinkii ciidammadda oo shalay loo qeybiyay iyadoo darajadan la siiyay 10 kun oo askari oo isugu jira qeybaha kala duwan ee ciidammadda, waxaana darajooyinka la siiyay ay iskugu jireen alifle illaa Sareeye Gaas.

Sidoo kale siday ku soo waramayaan Weriyeaashayadda goboladda dalka waxa si weyn looga ciiday Magaalooyinka Boorame, Gabiley, Berbera, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo, Sallexley, Bali-gudbadle iyo guud ahaan magaalooyinka iyo goboladda dalka oo dhan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com