Garoowe(AGGM) Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka hadlay ciidul fidriga ayaa waxa uu sheegay in ciidani ay tahay in la gargaaro dadka fuqurada ah ee aan wax heysan inta laga gargaari karo.
Mr Faroole oo dadka ugu hambalyeeyay maalintani ayaa waxa sidoo kale waxa uu sheegay in uu rajeynayo in umada Soomaaliyeed ay dhibaatada ka baxaan oo colaada badalkeeda ay helaan nabad iyo dowladnimo.
Dhinaca kale dhamaan deegaanada Puntland ayaa maanta looga ciidayaa si weyn.
Waxaa laga arkayaa magaalooyinka dad isugu jira qeybaha kala duwan bulshada oo si qurux badan u labisan kuwaasi oo weyneynaya munaasabadda ciida ee maanta loo dabaal dagagayo.
Amaanka deegaanada Puntland ayaa waxaa adkeynaya ciidamada booliska oo lagu arkayo wadooyinka kuwaasi oo Taliska uu sheegay inay howlgal amaanka ku xaqiijinayaan bilaabayaan maalmaha ciida.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com