Dhageyso+Daawo Sawirrada:-Madaxda Dowlada oo Kumanaan Soomaali ah Ciida kula Tukaday Masjidka Weyn ee isbaheeysiga

0

DSC04741Muqdisho(AGGM) Madaxda ugu sareeysa dowlada soomaaliya ayaa saaka salaada ciida kula dukaday masjidka weyn ee isbaheeysiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud,guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)ra’iisulwasaaraha xukuumada soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)wasiirro iyo xildhibaano ayaa kumanaan dadweyne soomaaliyeed ah salaada ciida kula tukaday masjidka isbaheysiga.

Markii la tukaday salaada ayaa madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dadweeynihii ka soo qeyb saalada ciida u keediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneeysay.

Ugu horeeyn madaxweynaha soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciida,isagoo u rajeeyay in uu ilaah siiyo fadligii bishii ramadaan oo ay soo soomeen,kana aqbalo saakaatul fidrigii saaka ay bixiyeen dadka muslimiinta ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hada xaalada dalka soomaaliya uu marayo ay tahay mid ka wanaagsan xaaladihii uu dalka soo maray,laakiin wali uu safarka dheeryahay wadadana ay wali dhib badantahay.

“Waxaan u baahanahay fursad dheer iyo waqti aan ku marno wadadaa dhibka badan,fursadaas waxa ay u baahantahay dulqaad iyo samir” ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa khudabiisa ku soo hadal qaaday kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab waxana uu ugu baaqay kuwa soomaalida ah ee ku jira Al-shabaab inaysan lahayn ummad aan ahayn ummaddan soomaalida ah iyo diin aan lahayn diinta xaniifka ah ee islaamka sidaa darteedna ay ka soo laabtaan howsha ay faraha kula jiraan.una soo noqdaan ummadooda soomaalida ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan gudaha dalka lagu qaban doono shir looga hadlayo ammaanka dalka,loona baahanyahay in laga wada qeyb qaata ammaanka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbadii uu ka jeediyay masjidka isbaheeysiga arrimaha jubboyinka,isagoo sheegay in gobollada jubbooyinka ay ka mid yihiin gobollada 18da ah ee ku qoran dastuurka soomaaliya,ayna kheyraadka ay leeyihiin qaar ka mid ah wadamada soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gobolladaasi ay wada degaan qabaa’il soomaaliyeed haba ku kala badnaadeene  hana ku kala horeeyaan degitaanka gobolladaasi.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan gobollada jubbooyinka ay tahay side loo yeelanayaan talada gobolladaasi,taladuna ay ka wada dhaxeeyso dadka wada dega gobolladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay sheegay in dowlada soomaaliya ay qabaneeyso shir dib u heshiisiin ah oo u furan cid kasta oo aysan jirin qof loo diidayo.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa sheegay in dowlada ay dalka ka tahay dowlada sidaasna ay ku heshiiyeen dadka soomaaliya ah oo ay na soo doorteen oo aysan ku imaan qoroy caaradiis iyo magaca reer hebel.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waqti xadidan ay haaystaan inta waqtigaasi lagu guda jirana ay qaban doonaan wax alle wixii ay qaban karaan marka uu dhamaadana ay booska baneeyn doonaan,isagoo shacabka soomaaliyeedna weeydiistay in ay gacan siiyaan.

Madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisulwasaaraha xukuumada soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ay salaada ciida ku tukadeen masjidka isbaheeysiga ayaa waxa ay xarunta madaxtooyada ay kulan hambalyo ah kula qaateen qaar ka mid ah golaha wasiirada,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiinta dowlada ayaa mid mid u gacan qaaday mas’uuliyiintii dowlada iyo dadweeynihii  kulankaasi hambalyada ah ka qeyb galay.

[ca_audio url=”http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/08/Khudbada-Madaxweynha-Soomaaliya-uu-ka-Jeediyay-Masjidka-Isbeheeysiga-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC04715DSC04719DSC04720DSC04726DSC04733DSC04734DSC04739DSC04741DSC04743DSC04748DSC04758DSC047421DSC04759