Wasiiradda Arrimaha Dibedda Dib Ugu Soo Laabatay Muqdisho ( Sawiro)

0

DSC011661Muqdisho(AGGM) Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawzia Yusuf H. Adam oo maanta dib ugu soo laabatay Caasimadda Muqdisho kadib markii ay kala qeyb gashay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Shir madaxeedka wadamada ciidamada ku deeqay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, kaasoo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Kampala 4-tii bishan August , ayaa waxa ay sheegtay in shirkaasi laga soo saaray war murtiyeed ku xusnaa qodobo badan oo horumarinaya geedi socodka nabad raadinta iyo dib u heshiisiinta dowladdu ku howlan tahay .

 

Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay sheegtay in kulamo gaar-gaar ah ay la kala yeelatay Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Wakiilada dowladaha shirkaasi ka qeybgalay oo ay ka mid yihiin Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya, Sierra Leone iyo Ethiopia, ayna ugu mahad-celisay ciidanka ay ku tabaruceen ee dhiigga walaalnimo u daadinaya nabad ku soo celinta Soomaaliya , iyadoo la fulinayo ajanadayaasha qaran ee dowladda u degsan.

 

Dhinaca kale , Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa ay hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul fitriga u dirtay Madaxda dowladda si gaar ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda , Gudoomiyaha Baarlamaanka ,Ra’iisul wasaaraha, shacbiga Soomaaliyeed , Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda iyo dunida islaamka , waxa ayna fariinteeda ku bilowday “ Waxaa sharaf ii ah inaan idin soo gudbiyo hambalyada munaasabadda Ciidul-fitriga , anigoo Alle ka rajeynaya inuu naga wada aqbalo Soonkeena, munaasabadan barakeysan ay idin noqoto adinka iyo qoysaskiina mid huwan farxad, kheyr, caafimaad iyo barako, waxaan Alle ka baryayaa in dalkeena Soomaaliya uu ka dhigo gebi ahaantiisa dal ammaan oo barwaaqo ah , dadkiisuna ay nabad ku damaashaadaan insha’allah… Aamiin”.

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda .

DSC01185DSC01161DSC01165DSC01169DSC011661DSC01176