Reer Afmadow Oo Mashquulsan & Shabaab Oo Xasuuq Ba,an Ka Geystey Halkaas Xalay

0

geno-18-thumb1Kismaayo(AGGM) Ilaa saaka Iyo galabta waxaa Degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose ka socday qaban qaabada Xabaal wadareed lagu duugi doono ciidamo ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni oo ay shalay galinkii dambe weerar ku culus ku soo qaadeen Falaagada kale ee Alshabaab.

Warbaahinta Allgalgaduud oo la xiriirtey Goob jooge maanta ku sugan Degmadda Afmadow ayaa daboolka ka qaaday in shalay gelinkii dambe xilli loo diyaar garoobayey Afurka Iyo Saalada Maqrib ay ciidamada Falaagada Alshabaab weerar dhawr jiho ah kaga soo qaadeen Degmada Af Madow gaar ahaan dhinaca ceelashu ku yaalaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee halkaasi ku sugnaa ay tiradoodu gaareysay 50 askari isla markaasna halkaas ku lahayeen farisiin ciidan,waxaana uu sheegay in Falaagada Alshabaab ay hareereyeen ciidamadaasi isla markaasna ku qaadeen weerar gaadmo ah isagoo sheegey inay dileen tiro ka badan 25 askari iyadoo intii kale noqdeen wax dhaawac noqday iyo wax baxsaday.

Falaagada Alshabaab ayaa la sheegay inay halkaasi gacanta ku hayeen mudo kooban isla markaasna ay markii dambe ciidamada dawlada kiiniya ee Afmadow duleedkeeda ku sugan weerar ku soo qaadeen taasi oo sababtey in ciidamada Alshabaab halkaasi uga baxsadaan si nabad ah.

Sidoo kale Madaafiic ciidamada Kiiniya ku soo gaaraceen degmada Afmadow ayaa la sheegay inay ku dhacday Goobo ganacsi  iyo meelo dad shacab ahi ku sugnayeen,waxaana la sheegay inay halkaasi ku dhinteen 3 ruux oo haweenay ku jirto isla markaasna u diyaar garoobayey waqtiga Afurka. Goobaha muhiimka ah waxaa ka mid ahaa Farmasi uu lahaa nin ganacsade ah oo magaciisa lagu sheegay Dr Daahir Shiikh Dhuubow oo ah nin si weyn looga yaqaan Afmadow.

Shacabka iyo culimadda Degmada Afmadow ayaa la sheegaya inay ilaa saaka iyo galabta ku mashquulsanayeen sidii ay xabaal wadareed ugu sameyn lahayeen ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee ay xasuuqeen falaagada Alshabaab,waxaana la sheegaya in ciidamada kiiniya ku caawinayaan qalab dadkaasi lagu duugo sida cagaf cagafyo.

Ugu dambeyntii Falaagada Alshabaab ayaa ah kuwo ku caan baxaya weerarada gaadmada ay ee ay ku qaadayaan farisiimaha ciidamada dawlada iyo koox kasta oo ka feker duwan. Waxaana meelo badan oo gobolladda dalka Soomaaliya ah ka geysanayaan gabood fal iyo xasuuq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com