R.Wasaaraha oo u diraya Hambalyo ku Aadan Ciidul Fidriga Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed:-War-saxaafadeed

0

Saacid-PM2Muqdisho(AGGM) Kulu Caam Wa-antum Bikhayr, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi  Faarax Shirdoon (Saacid)  ayaa halkaan caawa Hamabalyo uga diraya dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan halkaan Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga uga dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in uu Ilaahay ku gaarsiiyo Sanadkan kiisa kale Barwaaqo, Bash-Bash, Caafimaad iyo imaan Suuban. Waxaan sidoo kale Ilaahayna idiinka baryayaa inuu idinka aqbalo soonkii aad soonteen bisha barakaysan ee  Ramadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo dhanka kalana sheegay in. Ciidul fidiriga iyo Ciidul Adxadu ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dadka Muslimiinta, waana maalmo weynayntoodu qiimo weyn ugu fadhiyaan dhamaan shucuubta Muslimiinta. Waxaa kulma bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo isugu hambalyeeynaya, farxada Ciidda,

“Waxaana halkan baaqa uga dirayaa anigoo ka fa’idaysanaya fursadaan Ciida dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay iscafiyaan, isu naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan qaraxyada iyo dhibaataynta shacabka”

“Waxaana hambalyo gaar ah u dirayaa ciidamada qalabka sida oo habayn iyo maalin u taagan difaaca dadkooda iyo dalkooda, iyagoo ku shaqaynaya duruufo adag,  Waxaan dhanka kale ugu baaqayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee loo adegsanayo dhibaataynta shacabka iyo bur-burinta dalka inay ka waantoobaan falalka argagixiso ayna ku soo biiraan bulshadooda Soomaaliyeed ee nabada jecel”

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha  ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo muuqato rajo wanaagsan oo dhanka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, adeegayada  bulshada, iyo dadaal dheeri ah oo ay dowladu ugu jirto sidii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad galyo taam ah, taasna loo baahan yahay in ay shacabku ku garab istaagaan dowladooda si wadanka loo gaarsiiyo horumar.

—DHAMAAD—

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com