Itoobiya Oo Isbatoore Fartaag Uga Digtay Inuu Yimaado Dalkeeda,Hadii Kale Xabsi Mudan Doono.

0

gen.-fartaag111Nairobi(AGGM) Wararka Warbaahinta Allgalgaduud ka helayso illo wareedyo ku dhaw dhaw Isbatoore Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegaya in dawlada Itoobiya digniin u soo dirtey isla markaasna ay amar ku siisay inuusan imaan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Isbatoore Fartaag ayaa la sheegay in awal hore uu gacan saar wanaagsan la lahaan jirey dawlada itoobiya isla markaasna ay ahayeen saaxiibo dhaw balse waxaa la sheegay inuu Isbatoore Fartaag uusan dawlada itoobiya si wanaagsan xiriir u lahayn isla markaasna uu ka qariyey warbixino badan oo dawlada itoobiya muhiim u ahaa kuna aadana Jabhadda Raaskambooni.

Dawlada Itoobiya ayaa la sheegay inay runta u sheegtey Isbatoore Fartaag isla markaasna ka war heshay inuu ku soo fool leeyahay Magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu ku doonayey inuu ugu tago Masuuliyiin ka tirsan dawlada itoobiya si uu uga dhaadhiciyo fekerka Jabhadda Raaskambooni.

Dawlada Itoobiya waxay Aaminsan tahay in jabhadda Raaskambooni ay asalkoodu uu salka ku hayo Argagixisada Alshabaab iyo Jabhada Kale ee la dagaalanta dawlada itoobiya Ee ONLF,waxaana la sheegay xogo noocaas oo kale ah dawlada itoobiya ka dooneysay inuu Isbatoore Fartaag u soo gudbiyo balse uusan soo gudbin isla markaasna uu qariyey waxyaabo badan oo loo idmaday.

Sidoo kale Isbatoore Fartaag waxaa uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay qaar ka mid ah Tageerayaasha Jabhadda Raaskambooni oo waacusub ku baryey isla markaasna dib u liqay hankoodu ku aadanaa wax la yiraahod Jubbaland. Waxaana lagu wadaa inuu dhawaan dib ugu soo laabto Kismaayo.

Dhinaca kale ma jiraan wax wada hadal oo dawlada Soomaaliya Iyo Jabhada Raaskambooni ku dhexmaraya dalka Itoobiya,waxaana kulamadaasi ay soo dhamadeen wajigii hore markii laysku afgaran waayey arrimaha jubooyinka,balse waxaa waxaas oo dhan meesha ka saarey Kulamadii dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala.Jabhad

Ugu dambeyntii dawlada itoobiya ayaa shaacisay inay Gobolada Jubooyinka ay geyn doonaan ciidamo si ay u xaqiijiyaan amaanka goboladaasi iyo dalkeeda isla markaasna meel uga saaraan Jabahda ONLF ee shaatiga soo bedeshay isla markaasna la baxay Magaca Jabhadda Raas Gamboolay,waxaana hubaal ah in itoobiya indhaheeda ku arki doonto qaar badan oo jabhadaasi ka mid ah kuna sugan Gobollada Jubooyinka hadii ciidamadeedu yimaadaan gobolada Jubooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com