Muqdisho(AGGM) Gaari uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa galabta qarax miino lala eegtay, kaasoo ay la socdeen labo Injineer u dhashay dalka Hindiya iyo Ilaalada Gudoomiyaha. Inkastoo Gudoomiyaha Gobolka Tarsan aanu saarneyn gaariga ayaa hadana mid ka mid ah gaarigiisa waxaa uu ka mid ahaa gawaari maalmahan lagu kaxeynayay Engineerada u dhashay India oo marti ku ahaa Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska.
Qaraxa Miino ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, halka labada Injineer ee India u dhashay ay ku dhaawacmeen, kaasoo mid ka mid ah dhaawicii uu culus yahay. Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay lala bartilmaameedsaday gaariga meel biyo degeen ah oo ku dhow Miisaanka dhuxusha ee Jidka Warshadaha.
Injineeradda u dhashay wadanka Hindiya ayaa qiimeynayay maalmahan xarumaha degmooyinka oo la doonayo in howlo dhismo ah ay ka fuliyaan, waxaana mudooyinkan ay ku howlanaayeen engineerada howlaha bilic soo celinta magaalada iyo dib u dhiska xarumaha dowladda.
Ugu dambenyntii ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxan uu ku soo beegmaya, iyadoo maanta Muqdisho uu ka dhacay kulan ammaanka looga hadlayay oo ay ka qeyb galeen hey’adaha ammaanka, Mas’uuliyiinta Gobolka, Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha saldhigyada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com