Falaagada Alshabaab Oo Ku Xoogeystey Puntland Gaadiidna Gubay ( Sawiro)

0

img-20130806-001791Garoowe(AGGM) Laba Gaari oo nooca xamuulka qaada ee ay Soomaalidu u taqaano Candhamaydle ayaa xalay lagu gubay duleedka magaalada Bosaaso gaar ahaan marka laga gudbo barta uu ku yaallo koontaroolka koonfureed goobta lagu magacaabo Yalho.

Gaadiidkan ayaa waxaa saarnaa raashiin gargaar ah oo la sheegay inay lahayd hay’adda cunada adduunka ee WFP, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dadka ku sugnaa goobta gaadiidkaasi lagu gubay.

Goobta weerarka uu kadhacay ayaa u dhow dhulka buuralayda ee Golis oo horay dagaallo ay ugu dhexmareen ciidamada Mamul Goboledka  Puntland iyo maleeshiyaad xiriirka la leh Al-shabaab, ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Mamulka  Puntland iyo hay’adda gaadiidka uu u kiraysnayd ee WFP.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkan maamulka Puntland ay kasoo baxayeen digniino muujinaya khataro argagaxiso oo kusoo fool leh deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo oo ay qorsheynayaan Al-shabaab mana cadda weerarkaasi lagu qaaday gaadiidka iyo digniinaha Maamulku soo saartay inay xiriir ka dhexeeyaan.

Ugu dambeyntii Falaagada Alshabab ayaa la sheegayaa inay sii xoojinayaan weerarada ay ka geysanayaan dhulka Soomaaliyeed iyadoo talaabadan tahay mid cusub oo aan hore looga baran Jabhadda Alshabaab oo dhibaato ku haysa Shacabka Soomaaliyeed isla markaasna hadda raba inay degaano hor leh dhibaato ka geystaan.

img-20130806-00180img-20130806-001791