Dab Ka Kacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jumma Kiiniyaata(Sawiro)

0

kenya 1Muqdisho(AGGM) Garoonka diyaaradaha  Jomo Kenyatta ee dalka Kenya ayaa albaabada la isugu dhugtay kadib markii uu dab xoogan ka kacay, kaasi oo sababay  in garoonka la xiro. Xoghayaha gaadiidka ee dowladda Kenya Michael Kamau ayaa shaaca ka qaaday in garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta si KMG ah loo xiray, isagoo xusay in dabku uu ka kacay qaybta ay dadka dibadaha ka imaanaya ay soo maraan ee soo degista qaabislan, halkaasi oo uu sheegay in dadka laga daad gureeyay.

Michael Kamau ayaa ka gaabsaday waxyaabaha sababay dabka ka kacay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta, waxaana uu intaa ku daray in lagu guuleystay daminta dabka ka kacay qaybta Arrival-ka ee ah soo gelista, lana joojiyay dhammaan duulimaadyadii iman jiray garoonka si KMG ah, ilaa iyo inta laga xaqiijinayo daminta dabka.

Xoghayaha gaadiidka ee dowladda Kenya Michael Kamau ayaa ku booriyay rakaabka doonaya in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ay ka fogaadaan goobta, ayna shacabka u soo sheegi doonaan waqtiga la bilaabayo in garoonka uu dib u howlgallo.

Mutea Iringo, oo ah sargaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ahna isku daba ridaha Wasaaradda  ayaa hoosta ka xariiqay in dabka kacay garoonka uu ahaa mid aad uu weyn, ayna ku dadaalayaan waxkasta oo lagu baqtiin karo dabka ka kacay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Jomo Kenyatta ayaa ah garoon ay ka dhoofaan dadka u socdaalla dunida dacaladeeda, waxaana xirnaashaha garoonkan uu saameyn badan ku yeelanayaa dadka haatan sugaya inay halkaasi ka dhoofaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Kenya 2 (2)kenya 1Kenya 2 (3)