Ciidamada Dawlada Ah Oo Tababar Ku Soo Qaatay Uganda Kuna Soo Laabtey Muqdisho

0

ciidanka-dawladaMuqdisho(AGGM) Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo muddo Afar bilood ah uu tababar uga soconayay dalka Uganda ayaa la filayaa iney dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho kadib markii uu tababarkooda usoo gebageboobay.

Ku Dhawaad Afar boqol oo ciidan ah oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka tirsan ciidamada XDS oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda ayaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo maalmaha soo socda.

Tababarka oo ay bixinayeen macalimiin ka socotay Midowga Yurub ayaa qeyb ka ah tababrro xiriir ah oo kor loogu qaadayo tayada ciidmada XDS, iyadoo ciidamadii hore loogu soo tababaray dalkaasi ay kaalin wanaagsan ka ciyaareen howlgallada dalka looga xoreynayo malleeshiyaadka Shabaab.

‘’ Halkan waxaa diyaar ku ah ciidan Soomaaliyeed oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil xigeen kuwaasoo koorso Afar bilood ah ku dhameystay Uganda koorsadaasoo ay bixinayeen macalimiin ka socotay Midowga Yurub’’ Sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamadaasi oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda Sayid Axmed Sh. Daahir oo ka qeybgalay munaasabadii tababarka loogu soo xirayay ciidamadan ayaa ciidamada ku boorriyay in aqoonta la baray ay ugu shaqeeyaan dadka iyo dalkooda, isagoo ku bogaadiyay gesinimada iyo wadaniyadda ay muujiyeen ciidamadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com