Amaanka Magaalada Muqdisho Oo maanta Si weyn Looga Hadlay

0

Tarsan-_23Muqdisho(AGGM) Shirkani oo ay isugu yimaadeen dhamaan hay’adaha amniga, gudoomiyaasha dagmooyinka gobolka banaadirahna duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, taliyaasha booliska iyo nabadsugida iyo wasiir dowlaha arimaha gudaha iyo  amniga qaranka oo saacado badan qaatay ayaa lagu qabtay xarunta gobolka banaadir waxaana diirada lagu saarayey arrimo quseeya amniga taasoo looga gol lahaa sidii loo xakameyn lahaa amni darada  ay magaalada muqdisho ka wadaan kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab.

Kulankan oo ay saxaafadu dibad joog ka aheyd ayaa markii uu soo dhamaaday qodobadii looga hadlay uga warbixiyey warfidiyeenada wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane Mahdi Maxamuud Cali waxana uu sheegay in kulankooda maanta uu ku saabsanaa sidii amniga wax looga qaban lahaa iyo sidii looga hortagi lahaa falalka lidiga ku ah nabad galyada,iyadoona uu fariin u diray shacabka soomaaliyeed taasoo ku saabsan sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgalyada dalka.

Shirkan ay wada qaateen hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loo adkeen lahaa amniga loogana hor tagi lahaa falalka fuleynimada ah oo ay maleegayaan maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Ugu dambeyntii kulankan maanta diiradda lagu saaray amaan daradda ka soo korortey Magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay Magaalada Muqdisho marti u noqotey qaraxyo xiriir ah oo ay ku soo qaadeen kooxda Alshabaab oo hore u shaacisay inay weerarada xoojin doonaan inta bisha ramadaan lagu gudo jiro.

Isha Ku Hay Allgagladuud

Allgalgaduud@gmail.com