Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Shacabka Uga Tacsiyadeeyey Geerida Cismaan Caato.

0

shirdoonMuqdisho(AGGM) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Xasan Cali “Caato” oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Anigoo ku hadlaya magaca xukuumada, waxaan halkan tacsi u marinayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Cismaan Caato  iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray inuu alle uga baryayo inuu Janada ka waraabiyo.

Marxuum Cismaan Caato ayaa ahaa siyaasi ahna ganacsade xilal kala duwana ka soo qabtay dawladdii KMG.

Innaa lillaahi wa innaa illaahi raajicuun

 

 Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com