Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Cismaan Caato ….WARSAXAAFADEED

0

madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambalaMuqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii,eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxuu yiri “geeridu waa xaq waxaanna eebe uga baryayaa in Marxuum Cismaan Caato uu ka waraabiyo janadii,qoyskii,ehellada iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhanna uu samir iyo iimaan ka siiyo”

Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato wuxuu horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid aheyd Wasiirkii howlaha guud iyo isagoo xubin ka ahaa Baarlamaankii KMGka ahaa.

Dhamaaad.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com