Dr Gaas Oo Maanta Ku Dhawaaqay Musharaxnimadiisa Madaxtinimadda Puntland.

0

92Addis Ababa (AGGM) Raysal-wasaarihii hore ee Somaliya ,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Addis-ababa kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha doorashada 8,janayo,2014 Puntland ka qabsoomi doonta,Waxaana uu daboolka ka qaaday inuu xilkaasi u taagan yahay.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa in dhawayd la hadal hayey inuu ku dhawaaqi doono u loolanka xilka madaxtinimada Puntland dooraashada soo socota,waxaana saxafada ay isaga iyo Madaxweynaha Maamulka isu marriyeen hadalo kul-kulul oo ku aadan arrimaha doorashooyinkii puntland ee dib loo dhigey.

Cabdiweli Gaas ayaa taagerayaal badan ku leh deegaanada Puntland iyo Somaliya waxaana lagu xasuusta halkii sano ee uu xilka hayey oo xukumadiisii ay dalka ka saartay kumeelgaarnimada isla markaana ay meel marisay Dastuurka dalka. Waxaana lagu wadaa in hadii doorasho ay dhacdo inuu isagu ku soo baxo.

Ugu dambeyntii dadka saadaalinaya doorashada madaxtinimada Puntland ee Janayo 2014 ayaa sheegaya in Cabdiweli Cali Gaas uu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu cad cad ee la loolami kara madaxweynaha xilka haya ee Faroole . Waxaana lagu wadaa inuu maalmaha soo socda Dr Gaas uu soo gaaro degaanada Puntland gaar ahaan Magaalada galkacayo oo uu ka bilaabayo ololahiisa doorasho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com