Dhageyso: Dawladda Soomaaliya Oo Heshiis La Saxiixatey Shirkado Ajaaniib Ah Oo Shidaal Sahaminaya

0

heshiis-wasaarada-kheyrad-300x200Muqdisho(AGGM) Heshiiskani ay maanta Wasaaradda Kheyraadka dalka la gashay shirkad sahmin  ku sameyneysa in Soomaaliya ay leedahay shidaal iyo Saliid, oo  fadhigeedu yahay dalka Britain,  waxaana lagu magcaaba Soma Oil And Exploration,  taas oo ay ku jiraan khubaro dhinaca baarista wixi heshiiskan quseeya.

Kulanka Heshiiska lagu kala saxiixanayey ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid )

wasiirka Kheyraadka dalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay  in shirkadani ay ku soo kordhin doonto dalka Horumar balaaran inay ka baarto dalkeena Saliid iyo Shidaal taa oo haddi lagu guuleysto sare u qaadi doonto Horumarka dhinaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha shirkadda maanta heshiiska lala gaaray Michel Harwood ayaa isagana tilmaamay in heshiiska Sahminta in uu qeyb weyn ka qaadanayo kobcinta Dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana uu rajeynayo in lagu guuleysto.

Ugu dambeyntii heshiiska Sahminta Saliidda iyo Shidaalka Soomaaliya ee Badda iyo Berriga ay shirkaddan Soma Oil And Exploration   ka sameyneyso Soomaaliya ayaa dhaqan galaya marka ay ka doodaan golaha wasiirrada Soomaaliya, waxaana heshiiska uu qaadan doonaa muddo sannado ah, iyadoo ay ka shaqeynayaan  khubarro caan ka ah dalka Ingariiska oo dalal  badan horey baaritaano dhinaca shidaalka ah uga soo sameeyey.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-WASIIRKA-KHEYRAADKA-DALKA-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com