Muqdisho(AGGM) Alle ha u naxariistee waxaa maanta masjidka Huriwaa ee Magaalada Muqdisho lagu aasay Cismaan Xasan Cali ( Caato) oo ahaa nin si weyn looga yaqaano dalka iyo dibedda kaasi oo shalay ku geeriyooday isbitaalka ku yaala Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu soo daaweynayey.
Alle ha naxariistee Cismaan Caato ayaa la sheegay inuu ku soo booday xanuun dhinaca wadnaha ka qabtay labadii maalmood ee la soo dhaafay,waxaana la sheegay inuu si kedis ah ugu dhacay xanuunkaasi iyadoo la sheegayo inuu safar dhinaca cirka ah kaga yimid Magaalada Galkacayo halkaasi oo uu ku sugnaa bishii la soo dhaafay.
Aaska Cismaan Caato ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan , Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo metelayay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid ) iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay aaska Marxuum Cismaan Caato.
Ugu dambeyntii ammaanka Goobta uu aaska ka dhacayay ee Masjidka Huriwaa ayaa la adkeeyay , iyadoo dadweynihii ka soo qeyb galay aaska ay halkaasi ugu duceeyeen Marxuumka.
[ca_audio url=”http://warqaad.com/wp-content/uploads/2013/08/Wasiir-Guuled-Tacsi.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com