Wasiir Samaalle: “Odoroska 2014 Wuxuu Miisaaniyadda sanadkan ka badan yahay 3%”

0

Samaalle1Hargeysa(AGGM) Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu wehelinayo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada iyo saraakiil ka tirsan wasaaradaas ayaa kulan la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Dalka iyo madaxda hay’addaha dawlada qaarkood, kulankaasoo ay kula yeesheen hoolka Hay’ada shaqaalaha Dawlada ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd sidii ay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadu Hay’addaha dawladda ugu boorin lahaayeen inay soo xareeyeen dakhli fiican oo ka badan kii sannadkii hore.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kula dardaarmay, Agaasimeyaasha Guud inay dedejiyaan xisaab-xidhka miisaaniyada ee 2013, isla markaana ay diyaariyaan ku talogalka misaaniyad sanadeedka 2014.

Ugu horeyn Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa yidhi. “Waxaad ka war qabtaan sanadkii hore meelo badan ayaanu dakhliga ka kordhinay, dhamaana sidii aanu ugu talogalnay ayuu u soo baxay, laakiin sanadka 2014, waxaa noo muuqda in dakhliga kordhi karaa uu aad uga yar yahay korodhkii sanadkii kan ka horeeyay oo waxa ku kordhi karaa sanadka 2014, uu iska kooban yahay, waxaanu idinka rabnaa in aad soo gudbisaan ku talogalka miisaaniyada 2014 oo aanu ka war qabno in wasaaradduhu ay ku mashquulsan yihiin sidii ay arrintaasi u soo diyaarin lahaayeen, waxaase aan idinku wargalinaynaa in aad qorshaha ku darsataan in miisaaniyada sanadka 2014-ka ay miisaaniyadu kordhi doonto 3% tii sanadkii 2013-ka iyada oo aynu ognahay in wasaarada ama hay’ad kasta oo Qaranka shaqo u haysaaa ay u baahan tahay in miisaaniyad sanadkii hore ay wax ugu kordhaan, si ay baahiyahooda u daboolaan, waxaase ina dabrayaa waxaynu haysano. Markaa ujeedada ugu way nee aanu iskugu kiin yeedhnay waxaa weeye in aad sanadka ku soo xisaabtantaa inay inoo kordhayso boqolkiiba saddex 3% baahidiinana aad sida ay u kale daran tahay ugu qaybisaan 3%. Waxa aanu idiin balanqaadaynaa in wixii cabasho ah ee aynu isla qaadano mid dakhligeedu yar yahay iyo mid uu badan yahayba wixii baahi ah aanu dib idiin la eegno.”

Wasiirka Maaliyadu wuxuu kula dardaarmay Agaasimeyaasha guud inay dardargaliyaan hawlihii dakhli ururinta ee ay hore u hayeen, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Dhamaan wasaaraddaha dalka ee dakhli soo saarka nagala shaqeeya waxaan uga mahadcelinaynaa hawshii fiicnayd ee ay nala soo qabteen. Waxa kale oo aanu idin kala dardaarmaynaa in inta sanadka inooga hadhay ay hawshooda libin laabaan dakhligeenuna sida aad ka warqabtaan waxa uu aad u kordhaa bilahan soo socda ee sanadka. Waxa kale oo aanu aad idiinka codsanaynaa in xisaab-xidhada sanadkiiba aad saddexdii bilood ba sida ay tahay u soo gudbisaan, si ay inoogu fududaato in miisaaniyada 2014 uu u raaco xisaab xidhkii sanadka 2013 oo golaha wakiillada ay mar u wada tagaan xisaab xidhka iyo miisaaniyada oo goluhu u ansixiyo, Illaahayna xilkaa aynu ummaddeena u hayno ha inoo fududeeyo dhamaanteen.

Wasiirka Maaliyadu waxa uu Agaasimeyaasha Guud kula dardaarmay inay ku talogalkii miisaaniyada 2014-ka keenaan 15/8/2013-ka. “Waxaanu ku talogashanahay in ay wasaaraddaha ay nooga soo gudubto diyaarinta miisaaniyadu 15/8/2013-ka inta bisha ka hadhsana aynu uga doodno 1/9/2013 aanu u gayno golaha wasiirada oo halkaasi lagaga doodo. Qorshaha wasaaradda maaliyaduna waxa weeye in aanu dhamayno mashaariicdii aanu wadnay guud ahaan intii miisaaniyada 2013-ka noogu jirtay kuwa aanu bilownay iyo kuwa aanan bilaabinba. Inta badanna dakhliga mashaariicda waawayni waxa ay hirgalaan sanadka aakhirkiisa ujeedada kulanka agaasimeyaashu iyo hawl wadeenada kalena waxa uu daaran yahay in hawlaha Qaranka la dardargaliyo.” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com