Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Dil Toogasho Ah Ka Fulisay Beledweyn ( Sawiro)

0

toogasho2_0-316x250Muqdisho(AGGM) Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku filaysay gacan ku dhiigle magaalada Beledweyn hore ugu dilay nabaddoon si weyn looga yaqaanay gobolka Hiiraan.

Dilka ay maxkamadu ku fulisay gacan ku dhiiglaha ayaa maanta ka dhacay meel fagaare ah oo ku taala magaalada Beledweyn,  kadib markii maxkamada ciidamada qalabka sidda ay hore ugu xukuntay dil toogasho ah gacan ku dhiiglahaasi.

Afhayeenka maxkamada ciidamada Qalabka sida G/Sare C/llaahi Muuse Keyse ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay xukunka ay maxkamaddu ku ridday dambiilahaasi iyo dilka ay maanta ku fulisayba, isagoo sheegay in maanta ay maxkamadu fulisay xukunkii dilka ahaa ee ay ku ridday Muqtaar Xasan Maxamed.

‘’Eedeysanaha wuxuu ka tirsanaa Shabaab magaciisana waxaa la yiraa Muqtaar Xasan Maxamed 18 Jir ahaa ina Xaawo Macalin Isaaq,  kuna dhashay Baydhabo degaana Beydhabo  eedeysanaahsi waxaa la soo qabtay 27.11. 2012 isagoo fal dil ah oo bareer ah ka geystay G/Hiiraan,  una geystay Allaha u naxariistee Muxumad Xuseen Cabdi oo loo yaqaanay Marya Cadde, eedeysanaahsi markii maxkamada la horkeenay 7. 2. 2013 ayaa xukunkiisu soo baxay,  isagoo qirtay in uu yahay dambiilaha gacan ku dhiiglaha ah ee dilay marxuum Maryacadde’’sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida G/Sare C/llaahi Muuse Keyse.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha uu faahfaahiyay sababta uu u dilay marxuumka,  wuxuuna caddeeyay in abaabulka iyo amarka uu ku dilay marxuumka uu lahaa horjooge ka tirsan Shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Xasan iyo Cabdi Casiis Maxmed oo uu Sheegay inuu u farmuqay marxuumka la dilay Labaduba wey baxsadeen waxeeyna ahaayeen reer Hiiraan.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukunkaasi ridday  7. 2. 2013-ki waxaana la fuliyay xukunka maxkamada maanta oo ah 8.5.2013 wuxuuna  Afhayeenku uga digay dhalinyarada la marin habaabiyay dilalka dadka an waxba galabsan,  isagoo ku gooddiyay in maxkamaddu aysan ka baaqsan doonin xukunka gacan ku dhiiglayaasha Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

gacan-ku-dhiigle-la-dilay_1gacan-ku-dhiigle-la-dilay_2gacan-ku-dhiigle-la-dilay_3DCIM100MEDIA