Jabhadda Raaskambooni Oo Afduubatey Ganacsade Caan Ah Xilli Uu Goobtiisa Shaqo Joogey

0

Ahmed_Madoobe_Raaskambooni_Keydmedia_Kismaayo_-620x330Kismaayo(AGGM) Jabhadda Ciidamada Raaskambooni ayaa la sheegay inay Magaalada Kismaayo ka afduubeen Ganacsade caan ah oo ka goob ganacsi ku laha Suuq-Yaraha Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay inay u kaxaysteen xarumaha ciidamadoodu ku leeyiihiin dhinaca garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Ganacsadahan ayaa lagu Magacaabi jirey Ganacsade Aadam Shiirey,waxaana uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay Magaalada Kismaayo halkaasi oo uu ku lahaa dhawr meelood ah oo ah goobo ganacsi,waxaana la sheegayaa in afduubkiisu uu salka ku hayo arrimaha jabhadda Raaskambooni ka wadaan gudaha Magaalada Kismayo.

Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegay inay sii laba jibaartey dhibaatada ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada kismaayo iyadoo wararku sheegayaan in jabhadda Raaskambooni ay hadda bilaabeen inay ganacsatada ku soo rogaan lacago baad ah isla markaasna ay ugu hanjabayaan dil hadii aysan bixin lacagtadaasi.

Eheladda Ganacsadahan oo warbaahinta Allgalgaduud la hadashay ayaa shaacisay in Aadam Shiirey la afduubay isla markaasna markii ugu dambeysay uu gacanta ciidamo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni uu ku jirey,waxaana la shaacinayaa in ciidamadaasi ay ula dhaqaaqeen dhinaca garoonka diyaaradaha oo ay farisiimo ku leeyihiin.

Ugu dambeyntii waxaa afduubkan imaanaya xilli ay bishii la soo dhaafay wiil dhalinyarro ka ka afduubeen gurigooda isla markaasna ula kaceen dhinaca xeebta kismaayo halkaasi oo laga helay meydkiisa isagoo ay jirkiisa ka muuqdaan rasaas xoogan oo ay la dhaceen jabhadda Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com