Kismaayo(AGGM) Horjoogaha Jabhada Raaskambooni oo ka hadlay kulamadii dhawaan ka dhacay dalka Uganda ayaa shaaciyey inuusan ku qanacsaneyn go,aamadii ka soo baxay shirkii dhawaan madaxda Ciidamadoodu joogaan Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada kampala,waxaana uu Axmed Madoobe u ekaa nin niyad jab baahsan soo foodsaartey.
Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni oo wajigiisa laga dheehan karayey niyad jab iyo walaac ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in ciidamada Amisom oo idil ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya isagoo shaaciyey inuu jeclaan lahaa in la arko cidda taangi ama konteenar lagu ilaaliyo.
Hadalkan Horjoogaha Jabhada Raaskambooni ee ku aadan Taangi iyo Konteenar waxaa uu hal hays u yahay Konteenarro Yaala Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kiiniya isla markaasna degan yihiin,waxaana hadalkaasi u eg yahay inuu shaacinayo in ciidamada Kiiniya isaga ilaaliyaan isla markaasna maanta ku wacad fureen dekadda iyo garoonka u gacan galinayaan dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa Jabhadda Raaskambooni go,aanadii ka soo baxay Kampala ka dib bilaabeen dilal qorsheysan iyo afduub ay kula kacayaan dadka shacabka ah isla markaasna hantidooda ku dhacayaan,waxaana caawa gudaha Magaalada Kismaayo lagu dilay dhawr ruux oo shacab ah halka qaar kalena lagu afduubay.
Ugu dambeyntii Axmed Madoobe waxaa soo food saartey cabsi iyo niyad jab kaasi oo ah inaysan mar dambe suuro gal u noqon doonin hadii dagaalo ka qarxaan Magaalada Kismaayo inaysan ciidamada Kiiniya u gacan siin doonin isla markaasna ka huleeli doonaan degaanada Jubooyinka isaga iyo jabhadiisa una jiheysan doonaan Gaarisa Gubaay & Kilinak 5-aad.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com