Cismaan Xasan Cali (Cismaan Caato) Oo Maanta Geeriyooday

0

5937_trnsFeaturedMuqdisho(AGGM) Waxaa galabta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Cismaan Xasan Cali Caato oo ka mid ahaan jirey hogaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegaya inuu Cismaan Caato maalmihi la soo dhaafay ka ildarnaa xanuun la soo darsay.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Caato waxaa uu masuul ka noqday dawladihii kmg ahaa ee dalka Soomaaliya soo marey isagoo hore u soo qabtey xilal ay ka mid yihiin wasiirnimo Iyo Xildhibaannimo.Waxaana la sheegayaa inuu maalmaha uu xanuunsanaa laguna daaweynayey isbitaalka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyo marxuumkaasi,waxaana la sheegaya in hadda loo diyaar garoobayo qabanqaabada Aaska marxuumkaasi oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com