Ciidamada Oo Fashilayay Weerar Ay Malleeshiyaadka Shabaab Xalay Kusoo Qaadeen M/Baydhabo

0

Magaalada-BaydhaboBaydhabo(AGGM) Ciidamada amaanka magaalada Baydhabo ayaa xalay ka hortagay weeraro ay magaalada ku soo qaadeen maleeshiyaadka argagixisada Shabaab ayagoo qasaarooyina gaarisiyay kooxihii weerarka soo qaaday.

Ciidamada dowlada ee ka howlgala magaalada Baydhabo ayaa habeenkii xalay fashiliyay weeraro ay maleeshiyaadka Shabaab ku soo qaadeen magaaladaasi, iyadoo la sheegay in ciidamadu ay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba u geeysteen maleeshiyaadkaasi.

Saraakiisha dowladda ee magaalada Baydhabo wax faahfaahin ah kama aysan bixin weerarka ay ciidamadu fashiliyeen, inkastoo qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Beydhabo ay warbaahinta Qaranka u sheegeen in dagaalkaasi uusan sidaa u weyneyn una ekaa ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Ciidamada qalabka sida ayaa aalaaba si taxadar iyo feejignaan leh uga hortaga fal kasta oo argagixisadu ku waxyeeleyneyso ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gobollada kala duwan ee dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com