Dhageysi: Shirdoon Oo Kulan La Qaatey Saraakisha Ciidamada & Wasiiro Loogana Hadlay Amaanka

0

Abdi-Farah-Shirdon-Said--621x414Muqdisho(AGGM) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay kulan ballaaran oo ammaanka caasimadda looga hadlayay la qaatay hey’adaha ammaanka dowladda, iyadoo dhinaca kale isla xalay Ra’iisul wasaaraha uu kormeer ku soo sameeyey qeybo ka mid ah Isgoysyada magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta, wasiirka, Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo gaadiidka, wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali, wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Agaaasimaha guud ee hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taliyaha ciidammada Xoogga, taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliya, abaan duulaha ciidammada Xoogga iyo saarakiisha  kale.

Kulanka gabagabadiisa ayaa Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, waxa uu faah faahin ka bixiyey ujeedada kulankan ballaaran , isagoo xusay in diyaar garowgii ugu dambeeyey ay dowladdu ku jirto, isla markaana uu soo socdo isbadel badan  oo dhinaca ammaanka ah.

Dhinaca kale kulankaasi oo xilli dambe gaaray kaddib ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiintii la socotay waxa ay kormeer ku soo mareen ku dhawaad Tobon Isgoys oo ku yaala meelaha ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa ku lugeryay waddada Sodonka ee magaalada Muqdisho xalay habeen barkii, iyadoo waddooyinka dhexdooda ay ku ciyaarayeen dhallinyaro Soomaaliyeed, Ra’iisul wasaaraha ayaana mid mid u gacan qaaday kana xog wareystay xaaladda ay ku jiraan sida uu yahay ammaankooda.

Meelaha uu Ra’iisul wasaarihi Socodka ku soo maray waxaa ka mid ahaa isgoyska Beexaani oo uu kormeerka ka  bilaabay, Sanca, Fagax, iyao waddada dheer ee Soddonka

Ugu dambeyntii kormeerka R/wasaaraha ayaa muujinaya sida xukuumadda uga go’antahay wax ka qabashada ammaanka Muqdisho, iyadoo ay xukuumaddu waddo qorshayaal lagu adkeynayo ammaanka dalka.

[ca_audio url=”http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/08/Dhageyso-Raysal-wasaaraha-Soomaaliya-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com