Qaraxyo Badan Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

0

qaraxMuqdisho(AGGM) Qaraxyo bambaano oo ahaa kuwo is xiga ayaa tan iyo abaarihii maqribki xilliga afurka waxay ka dhacayeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada ay ahaayeen kuwo is xig xigay.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxyada ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka ilaa wadada Ex Koontarool Afgooye, waxaana qaraxyada badankood ay ahaayeen bartilmaameed. Qarax bamabaano ayaa ka dhacay agagaarka Jaamacadaha, gaar ahaan meel ay ku sugan yihiin Ciidamo AMISOM, waxaa kaloo qaraxyada ka dhaceen Seybiyaano, Isgoyska Banaadir, waxayna ahaayeen qaraxyada kuwo u muuqday inay isku dhirirsanaa.

Sidoo kale waxaa qarax kale laga maqlay qeybo ka mid ah Jidka Maka Al-Mukarama, halkaasoo baro ay ku leeyihiin Ciidamada ammaanka. Rasaas ayaa laga maqlayay meelaha bambooyinka ka dhaceen, iyadoo la soo sheegayo inay jiraan qasaarooyin soo gaaray dad rayid iyo ciidamo.

Ugu damebyntii warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaari uu qeybinayay qaraxyada, waxaana qaraxyada ay u muuqdeen kuwo ku dhowaa ilaa toban.Qaraxyadan caawa dhacay ayaa ku soo beegmaya, xilli xalay Ra’iisul Wasaaraha uu kormeero ku soo maray Isgoysyo muhiim ah, isla markaana sheegay in ciidamada ammaanka ku howlan yihiin sugida ammaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com