Kulankii Kampala Oo Mawqif Cad Looga Qaatey Arrimaha Kismaayo & Qodobada Muhiimka Ah

0

top-newsKampala(AGGM) Kulankii Madaxda ciidamadoodu ku sugan yihiin dalka Soomaaliya ayaa caawa ku soo dhamaaday Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda,waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo badan iyadoo laga soo saarey War-Murtiyeed ka koobnaa in ka 39 Bog,waxaana halkaasi si xoogan looga hadlay xaalada ka taagan gobolka Jubadda hoose.

Qodobaddii kulankaasi looga hadlay waxaa ka mid ahaa:

  1. In Dawlada Soomaaliya lagu tageero Loogana Dambeeyo sidii dib u heshisiin ay ugu sameyn lahayd dadka wada dega Gobolada jubooyinka.
  2. In Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda wadamadda Ciidamadoodu joogaan Soomaaliya la geeyo Magaalada Kismaayo .
  3. In Ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha Soomaaliya aysan dibedda ka soo iibsan alaabooyinka ay u baahan yihiin isla markaasna ka iibsadaan ganacsatadda Soomaaliyeed si ay soomaalidu uga faaiideysato arrimahaasi.
  4. In La Kordhiyo Ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha Soomaaliya, isla markaasna la tayeeyo.
  5. In Ciidamada dawlada Soomaaliya laga tageero dhinaca tababarada iyo hubka.
  6. In dawlada Soomaaliya looga dambeeyo arrimaah Maamul u Sameynta & Maamulka Dhulka soomaaliyeed gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida garoomadda iyo dekadaha & Qodobo kale oo badan.

Arrinta ayaa ah mid umadda soomaaliyeed wada sugeysay isla markaasna la doonayey in ciidamo isku dhaf ah la geeyo gobolada Jubooyinka halkaasi oo ay dhibaato xoogan ku hayeen ciidamada dawlada kiiniya oo garab siinaya Jabhadda Raaskambooni,waxaana arriintaasi dhibaato ku noqon doontaa ciidamada Kiiniya iyo Jabhadda Raaskambooni oo biisha dhaqaalaha ka soo baxa dekada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com