Jeneraal Cali Madoobe,Cumar Cabdirashid & Gandi Oo Ku Xiran Joma Kenyatta 24 Saacadood

0

CumarNairobi(AGGM) Garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi ee Joma Kenyatta waxaa ku xiran Masuuliyiin xilal ka soo qabtey dawladihi kmg ah ee Soomaaliya kuwaasi oo ka mid yihiin Jeneraal Cali Maxamed Xasan (Looyaan) oo hore u soo noqday Taliyihii Ciidamada booliska dawladii Cabdilaahi Yuusuf,Cumar Cabdirashiid oo hore u soo noqday Raisalwasaarihi dawladii Shiikh Shariif & Maxamed Cabdi Gandi oo ahaa Wasiirkii Gashaandhiga dawladihii Shiikh Shariif.

Masuuliyiintan oo shalay galinkii hore ku damacoodu ahaa inay u duulaan Magaalada Kampala halkaasi oo uu kulan uga socdo madaxda ciidamadoodu ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya,waxaana la sheegay in ciidamada dawladda kiiniya amar ku bixiyeen inaysan masuuliyiintii ka dhoofin garoonka diyaaradaha.

Masuuliyiintan ayaa la shaaciyey inay 24 saac ee la soo dhaafay ku xaniban yihiin garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta  gaar ahaan qaybta VIP-da,waxaana laga reebay diyaaradii ay u raaci lahayeen wadanka uganda gaar ahaan Magaalada Kampala halkaasi oo uu damacoodu ahaa inay la kulmaan Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxdan ayaa la sheegay inay aad u daneynayeen kulan gaar ah oo ay la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya isla markaasna kala hadlaan arrrimaha jubooyinka iyo sidii wax looga qaban lahaa maamul loo sameeyo degaanadaasi,waxaana la sheegay in dawladda kiiniya arrintaasi ka war heshay iyadoo diidan in kooxaha soomaalida ah wada yeeshaan si ay isula meel dhigaan xaalada Kismaayo.

Ma jiraan cid ka tirsan dawlada kiiniya ama soomaaliya oo ka wada hadlay kooxda garoonka Magaalada Nairobi ku xabsisan ee ku wajahnaa Magaalada Kampala halkaasi oo doonayeen inay kulamo muhiim ah kula soo yeeshaan madaxda ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya iyo madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com