Faroole Oo Ciidamo Hor Leh U Diraya Kismaayo,Xilli Mawqif Laga Qaatey Arrinta Kismaayo(Sawiro)

0

71Garoowe(AGGM) Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in labada maalmood ee soo socda Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose u diyaarayaan ciidamo ka socda degaanada Puntland iyadoo ay wehelin doonaan kuwii dhaawaca ahaa ee dhawaan la keenay Magaalooyinka Puntland kuwaasi oo xaaladooda caafimaad hadda ka soo reysay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Faroole ayaa hore ugu direy magaalada Kismaayo in ka badan 500 oo askari kuwaasi oo uu dhinaca badda Mariyey,waxaana qaarkood dib loogu soo celiyey Magaalooyinka Puntland ka dib markii dhaawacyo culusi ka soo gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Labada Maalmood ee soo socda ayaa la sheegayaa inay Magaalada Galkacayo ka dhoofayaan in ka badan 300 oo askari kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo dhawaan ku soo dhaawacmay Dagaaladii kismaayo isla markaasna ka soo caafimaaday dhaawacyadii soo gaaray,waxaana la sheegayaa in laba diyaaradood oo nooca rakaabka ah loo soo kireeyey.

Sidoo kale ciidamadan ayaa maanta loogu qaybiyey direys ciidan iyo hub fudud Magaalada Galkacayo,waxaana la sheegay inay hadda diyaar u yihiin inay u dhoofaan Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay xoojin doonaan ciidamada Jabhada Raaskambooni,waxaana ciidamadaasi maanta hubka iyo direyska u qaybiyey gudoomiyaha Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ah neef gawracan geed kama waabto,waxaana uu ciidamo kismaayo u diyaarayaa xilli uu xaaladihii dagaanada Puntland nabad ku soo dabaali kari waayey isla markaasna kala fogeeyey shacabkii wada dhashay ee ku dhaqnaa degaanada Puntland.

Xigasho Sawiradda: Waryatv.com

51

Isha Ku Hay Allgalgaduud91

Allgalgaduud@gmail.com617181