Dhageyso: Afhayeenka Xisbul Islam oo ka Hadlay Xariga Xasan Daahir Aweys

0

xasan-Daahir3Muqdisho(AGGM) Xubin sare oo ka tirsan saraakiisha xisbiga Xisbul Islaam Sheekh maxamed Macalin Xasan ayaa ku baaqay dawladda Soomaaliya inay sii dayso Sheekh Xasan Daahir Aweys,isla markaasna u aqoonsato masuul soomaaliyeed,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in dib loogu soo celiyo xoriyadiisa

Sheekh Maxamed Macalim oo ah Xoghayah Arrimaha Dibedda ee Xisbul Islam waxa uu ka mid ahaa xubnihii lala xiray Sheekh Xasan Daahir balse markii dambe la sii daayey ayaa VOA waraysi uu siiyey ku sheegay Sheekh Xasan Dahair qorshihiisa hore ahaa in wax laga beddelo qaabkii lagu socday isla markaana hab diblomaasiyadeed ciiddama ajaanibta looga saaro Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Macalin waxaa uu sheegay in Shiikh Xasan Daahir Awey uu yahay nin muwaadin soomaaliyeed ah isla markaasna jecel wadaniyadda iyo shacabkiisa soomaaliyeed,waxaana uu ugu baaqay in dawlada federaalka ah ee Soomaaliya sii deyso Shiikh Xasan Daahir si xal loo helo.

[ca_audio url=”http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2013/08/04/a9b214b9-9d0b-44ed-b3b6-33eeb8aea429.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com