Degaanada Caamara Iyo Bacaadweyn Oo Xasiloon Ka Dib Dagaalo Shalay Ka Dhacay

0

882Galkacayo(AGGM) Ka dib dagaalo khasaare sababay oo laba beelood oo walaalo ah ku dhexmarey degaanada Caamara Iyo Bacaadweyn ee koonfurta gobolka Mudug ayaa saaka laga soo sheegayaa xaalad xasilooni ah,waxaana la sheegayaa in waxgaradka gobolka mudug ay u guntadeen sidii loo xalin lahaa dhibaatada degaanadaasi ka dhacday.

Kooxaha dagaalamaya ayaa la sheegayaa inay ka soo kala jeedaan laba beelood oo walaalo ah isla markaasna aanooyin qabiil hore ugu dhexeyeen,waxaana kooxaha dagaalamay la sheegay inay yihiin dad reer guuraa ah kuwaasi oo inta badan ku dagaalama dhul daaqsimeed iyo ceelal biyood.

Xarumaha caafimaadka ee qaybaha kala duwan ee gobolka Mudug ayaa la sheegayaa in la gaarsiiyey dhaawacyo shalay ku waxyeeloobay dagaaladii shalay ka dhacay degaanadaasi,waxaana wararku sheegayaan in dhaawacyadda qaarkood yihiin kuwo halis ah,waxaana daaweyntooda ku mashquulsan dhakhaatiirta gobolka mudug.

Dhinaca kale waxaa saaka waxgaradka laba beelood ku guuleysteen inay kala qaadaan maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay halkaasi,waxaana la sheegayaa in maleeshiyooyinkaasi loo kala qaaday degaano kaal durugsan si aysan u dagaalamin inta waanwaantu socoto.

Ugu dambeyntii degaanada Bacaadweyn iyo Caamara waxaa ku soo noqnoqday dagaal beeleedyo u dhexeya laba beelood oo walaalo ah kuwaasi oo ku dagaalamaya halkaasi,waxaana inta badan dagaalaam waa dadka reer guuraga ah oo ku dagaalama biyaha iyo dhul daaqsimeedka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com